Wiil Yar Oo Ku Dhacay Balay Biyood Ku Yaala Magaalada Geedbalaadh Oo Maydkiisu Mudo 48sacadood Ah Ku Jiro Balaygii Iyo Gurmad La,Aanta Xukuumada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiil Yar Oo Ku Dhacay Balay Biyood Ku Yaala Magaalada Geedbalaadh Oo Maydkiisu Mudo 48sacadood Ah Ku Jiro Balaygii Iyo Gurmad La,Aanta Xukuumada!
May 3, 2021 - Written by Editor:

GEED BALAADH(W,N)-Waxaa Maalintii Labaad aan wali laga soo Saarin maydka wiil yar oo ku dhacay balay biyood ku yaala Magaalada geed balaadh ee gobolka gabiley kaasi oo ay tahli kari waayeen in ay maydkiisa soo saareen ciidanka dab damiska ee gobolka gabiley iyo bulshada ku dhaqan degmada geed balaadhan oo awoodi kari waayay in ay balayga kazoo saaraan maydka wiilkan yar, kadib biyo xoogan oo ku jira balayga iyo daad ka imanaya dooxa Toga ah ee balaygan soo galo roobab wali ka da,ay deegaanka awgeed.

Sidoo kale Waxaa mudada 48sacadood ah balayga dul fadhiya waalidiinta iyo ehelka dhalay wiilkan yar oo raq iyo ruux midna aan haynin balse balay biyoodkan la dul fadhiya murugada wiiloodkii oo aanay awoodan in ay maydkiisa biyaha kala soo baxaan.

Dhanka kale Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Biixi ayaan ilaa hada wax gurmad ah ka gaysan sidii maydka wiilkan yar looga soo saari lahaa balaygan taasi oo shacabka deegaanka degmada geedbalaadh ku noqotay amakaag iyo fajac in ay wax gurmad usoo fidin waydo xukuumadii ay doorteen ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne biixi  iyo damqasho la,aanta ay umuujisay

Madaxwaynaha Somaliland muuse  biixi ayaa maanta warbaahinta kazoo muuqday isagoo kormeer ku maraya dooxa Hargaysa iyo saylada Xoolaha ee magaalada hargaysa  oo daadadkii kazoo rogmaday roobabkii caasimada ka da,ay khasaare soo gaadhsiiyeen wallow aanay sobobay dhimasho dad isagoo aynu hore u goyn sidii uu xili habeenimo ah ugu gurmaday wiil ku dhacay dhaam biyood ku yaala degmada maxamuud haybe ee magaalada hargaysa halka aanu wali dhag jalaq usiiyin dhibta ku habsatay qoyska degan degmada geed balaadh oo wiilkoodii mudo laba cisho ah ku jiro maydkiisu balay biyood magaalada geed balaadh xataa iskadaa gurmad ay xukuumadu usoo dirteen, taasi oo muujinaysa masuuliyad darada iyo mooganaanta masuuliyiinta xukuumada ee kazoo jeeda deegaankan iyo madaaxwaynhiii dalka ugu sareeyayba.

Sikastaba ha ahaatee dhibta haysata qoyska iyo bulshada ku dhaqan degmada geed balaadh ayaa laga war sugu doonaa talaabada ay xukuumadu ka qaado sidii loogu gurmad lahaa islamarkaana maydka wiilkan yar looga soo saari lahaa balaygan ay bulshadii deegaanka iyo ciidanka dabdamiska ee gobolka gabiley tahli kari waayeen In ay soo saaraan maydkiisa.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

COMMENTS
LINKS