Sacuudiga Oo Dib U Soo Celiyey Markab Waday Xoolo Badan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudiga Oo Dib U Soo Celiyey Markab Waday Xoolo Badan
May 3, 2021 - Written by Editor:

Riyadh(W,N)-Markabka nooca xamuulka ee lagu magacaabo MV Mabrouka oo shixnad xoolo nool geeyey Dekedda Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa dib ugu laabtay Dekedda Port Sudan ee dalka Suudan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Suudan ayaa sheegtay inuu Markabkaasi waday 7,228 neef oo ido ah iyo 114 neef oo Geel ah.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay inay Xoolahaasi ka heleen xanuunka qandhada ee Rift Vlley Fever, kadib markii muunad dhiig oo laga qaaday lagu baadhay Shaybaarka.

Waa markabkii u horreeysay oo Shixnad Xoolo ah geeyey Sacuudiga oo dib loogu soo celiyey dalka Sudan oo ah dalkii laga soo raray Xoolahaasi.

COMMENTS
LINKS