Xeerar Kamida Farxada Lamaanaha! Soo Ururintii Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeerar Kamida Farxada Lamaanaha! Soo Ururintii Axmed Cali Kaahin.
May 7, 2021 - Written by Editor:

1;in la is’kula dhaqmo dhaqan wacan oo lagu raali galinayo Allaah Subxaanah.

2;in had iyo jeer la wadaago dhoola cadayn iyo dabacsanaan joogta ah marka guriga la soo galo, iyo marka la sii baxayaba iyo salaanta istaalmka in la joogteeyo waa duco barako la socotee.

3;in lagu dadaalo in aan la dhaawacin Dareenka qofka lana dhawraa niyada lana ilaaliyaa arimaha gaar ka u ah ee qofka, waayo waa basher soo noolaan jiray hortaa.

4;in la ixtiraamo Ra’yiga lamaanahaaga oo aan la xaqirin aragtidiisa lana wadaagaa wada tashi ay ku dheehan tahay kalsooni aad mu muujiso. Waayo in qofka kalsooni siisaa waxay dhashaa in uu daacadnimadiisa si xora u soo bandhigo,

Waa in laga dheeraadaa in tuhun aan jirin iyo malayaal niyadaada ka dhawrto iyo waxa la yidhaa in qofka raadkiisa qaloocan aad gurto, waxaad gurtaa raadkiisa wacan ee ubaxyadu ka buuxaan, ka istaag xaga fiican waxkastaa waxay kuugu muuqan donaan u bax qurux badan. Taa macnaheedu maaha in xumaan jirta indhahaaga ka daboolato waa in aad wixii saxan si xikmadleh u saxdaa, balse waxaan jirin in aad niyadada ku abuurtaan jeednaa.

5;in aad fuliso soo jeedimaha lamaanahaaga sida ku takri falka arimaha guriga oo kale iyo xidhiidhka ka dhexeeya saxiibadiisa taasi oo aan wax yeelayn nolosha qoyska iyo anshaxa islaamku inoo dhigay.

6;waa in aad jaanis u siisaa waxyaabaha u gaarka ah si aanu shaydaanku u odhan waxaa jira sanduuq qufulan oo guriga yaala, sii jaanis tusna kalsooni hana waydiin su’aalo adag oo ay dhibsato ama uu dhibsado.

7;ha seegin in aad hadyado u keento ku kooban awoodaada, haba ahaato gobal yar oo xalwadana ha ahaatee gaara ahaan ayaamaha wanaagsan sida maalmaha tilmaaman ee farxada ama arooska ama meherkaba, ama gaar idiin ah.

8;xasuusi lamaanahaaga maalmo wacan oo si kadisa aad ugu sheegto maalmahaasi oo farxad badani idiinku dheehnayd. Marmar waxaad ku tidhaa maanta waxaan soo maqlay war cajiiba una xiise gali qofkii oo war cajiiba sugaya aayr waxaad dhegta ugu sheegtaa in aad aad u jeceshay, arrintaasi ha fududaysan waxay noloshiina galinaynaa dhiig cusub markasta hana biyo dhicin ee wakhtiyo ku beeg,

Xataa caruurta sheekh reer Berbera ah in Cumar Kujoog muxaadaro uu leeyahay waxaan ka guntay in cauurtaada maka lagu yidhaa hebel maanta waxaa ayuu sameeyay ee uu aad u baqdo lana sugaayo in aad ulayso aayar u yeedh oo waxaad dhegta ugu sheegtaa Aabo maanad ogayn in aan adiga cauurta kuugu jeclahay.

Aabo sidaasi sameeyay waxa uu sheegay in ilmihii ilmeeyay iskuna canaantay maxaad waxaa usamaysay maadaama aabahaa adiga kuugu jecel yahay caruurta. wixiina ka dheeraaday waa qaab tarbiyadeed oo cajiiba. In wixii la sugaayay wax kale ku badasho qoyskana waa in marmar khalad dhaco abaal marin lagaga jawaabaa waa haddii ay ku haboon tahay uun maaha meel kasta

  1. ugu yeedh magaca fiican ee uu leeyahay lamaanahaagu waliba magac kuu gaara oo cajiiba ula baxa. hana ka khajilin adigoo horjooga ehelkaaga iyo ehelkiisa.
  2. Hana qarin jacaylka aad u hayso lamaanahaaga adigoo dadka la jooga ficil iyo hadalba taasi oo uu sameeyay rasuulku Salaahu Calayhi wasalam.
  3. Wakhti gaara u samee oo aad ka buuxisaan farxad iyo kalgacal oo aan ahayn wakhtiga la joogo qolka hurdada.
  4. Israaca oo wadaaga wada socod ka baxsan guriga idinkoo kaliya, iyadoo caruurtu idinla socdaan, wada booqda ehelkiisa ama ehelkeeda iyo asxaabtiina.
  5. Usamee masruuf u khaasa oo ay arimaheeda gaarka ah ku fushato.
  6. Mar mar ku xeel dheeraw sida wacan ee ay gabadhaadu guriga u hagaajiso una mahadceli cunto wanaageeda iyo sida ay u barbaariso ciyaalkeeda iyo martidaba waa wanaag adiga kugu soo noqonayaa qiimee qofkaaga si uu kuu qiimeeyo. Haddii aad wax diido iska daaa sida cuntada rasuulku Salaahau Calayhi wasalam waligii cunto loo soo dhigay muu ceebayn. Intay arritnaasi dhaawacayso ma qiimayn kartid iyo hawsha ay usoo martay iyadoo xanuunsanaysa in ay dirqi ku kharisaaba suurto gal ah.

Cuntada waa la cuni karaa balse qalbigeeda lama kabi karo haddaad ceebayso, waxa sidaasi yidhi Aqoonyahnkii reer Hindiya Abdikhaalaq aabihii.

Gunaanadkii wanaaga ha sugin ee adigu ahaw ka bilaaba, haddii khilaaf dhaco isu dulqaata maalin kastaa ciid maaha, balse waxaad ku dadaashaan wakhti kale oo aad dagan tihiin in aad isla saxdaan oo aad isku daydo haddaad khaldantahay adigu inaad raali galin bixiso.

Haddii kale khaladka isla meel dhiga oo ha ka tagina idinkoon xalin, qofkastaana masuuliyadiisa iyo khaladkiisa waa in uu qaataa si dabacsan oo aan ahayn wakhtiga khaladku dhacay oo aad u dib dhigataan wakhti idinkoo faraxsan. haddii qofkastaa masuuliyadiisa qaato wax kastoo dhaca waa la xalin karaa. baro inaad khaladkaaga qirato raali galina ka bixin karto,  Allow reeraha inoo wadda barakee una fududee intat kale.

Soo ururintii Axmed Cali Kaahin.

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

COMMENTS
LINKS