Xogo Dheeraada Oo Laga Helay Kulankii Madaxwayne Biixi Iyo Weftigii Ka Socday Dalka Qadar! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraada Oo Laga Helay Kulankii Madaxwayne Biixi Iyo Weftigii Ka Socday Dalka Qadar!
May 8, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Weftiga ka socday dawladda Qadar ee dhawaan yimid Somaliland ayaa la sheegay in ay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen arrimo ku aaddan qaddiyadda ka dhexaysa Somaliland iyo Somalia iyo xidhiidh dhex mara Hargeysa iyo Dooxa.

Sida ay Baahisay Mareegta Somalilandchronicle oo xogo ka heshay kulanka waxa ay dawladda Qadar Madaxweyne Biixi u soo jeedisay in ay dhexdhexaadiso Somaliland iyo Somalia kana qayb gasho dadaalka wada hadalka labada dhinac ee hore u socon waayay.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu arrintaasi kaga dareen celiyay in uu soo dhawaynayo cid kasta oo ku soo biiraysa dadaallada caalamiga ah ee lagu dhexdhexaadinayo Hargeysa iyo Muqdisho balse hadda ay ka dhur sugayaan qalalaasaha siyaasadda ee Somalia ka socda.

Dhinaca kale dawladda Qadar ayaa la sheegay in ay dalbatay in shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airweys duullimaadyo toos ah ka bilawdo Hargeysa taas oo hadda ay kaliya Ethiopia Airline duulimaadyo ka samayso Somaliland.

Weftiga dawladda Qadar ayaa si lama filaan ah dib ugu soo celiyay xidhiidhkii diblamaasiyadeed ee dawladda Kenya iyo Somalia ee sanadkii hore xumaaday.

Breaking: Qatar Offered to Mediate Somaliland – Somalia Talks and Direct Flight of Qatar Airways to Somaliland

 

COMMENTS
LINKS