Gantaalkii ka Fakaday Dalka Shiinaha Oo Saacadaha Soo Socda Lafilayo In Uu Dhulka Kusoo Dhaco Iyo Dalalka Uu Ku Beegan Yahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gantaalkii ka Fakaday Dalka Shiinaha Oo Saacadaha Soo Socda Lafilayo In Uu Dhulka Kusoo Dhaco Iyo Dalalka Uu Ku Beegan Yahay!
May 8, 2021 - Written by Editor:

Qeybo ka mid ah hadhaaga gantaalkii uu Shinaha hawada sare u diray ayaa waxaa lagu wadaa in uu dhulka ku soo dhaco saacadaha soo socda, sida ay sheegen khubarada ku raad jooga.

Hadhaaga gantaalkan oo la ganay toddobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa lagu wadaa in uu dhulka ku soo dhaco maanta galinka dambe ama subaxa Axadda, sida ay sheegtay xarunta hawada sare ee cilmi-baarida iyo hormarinta ee Mareykanka .

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa jimcihii sheegtay in inta badan haraadiga gantaalkan uu guban doono islamarkana ay aad u yartahay suurtagalnimada in uu waxyeelo geysto marka uu soo dhaco.

Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in ay ku daba jiraan gantaalkani ay Shiinaha hawada sare u direen .

Laanta hawada saree ee Mareykanka ayaa “saadaashoodii ugu dambeysay” waxay sheegeen in laga yaabo in haraadiga gantaalkan u ku soo dhaco jasiiradda waqooyiga ee dalka New Zealand,.

Balse waxay sidoo kale sheegeen in ay suuragal tahay in uu ku dhaco meelo kale oo aan New Zealand ahayn.

Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay Hawada Sare.

Balse, gantaalka oo ku soo wajahan dhulka, hadda wuu goostay xakamaha. Waa gantaalkii labaad ee ugu wayn ee la xakameyn waayay ee dhulka ku soo dhaca, 30 sano gudahood.

Xawaaraha uu dhulka ku soo gali doono waxay ku xiran tahay sida hawada ay tahay, xaalado badan sida joogga sare ee dhulka ah, ayaana arrintaa sababi kara. Xogtaas weli si wanaagsan looma hayo.

Isaga oo ka hadlaya magaalada Beijing, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Wang Wenbin waxa uu sheegay in Shiinuhu uu si dhow ula socdo gantaalka oo intiisa badanna ay guban doono marka dib uu dhulka soo gaaro.

“Suurtagalnimada in gantaalka uu waxyeello ka geysto dhulka aad ayay u hooseeyaa,” ayuu yidhi.

Isaga oo ka hadlaya magaalada Beijing, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Wang Wenbin waxa uu sheegay in Shiinuhu uu si dhow ula socdo gantaalka oo intiisa badanna ay guban doono marka dib uu dhulka soo gaaro.

“Suurtagalnimada in gantaalka uu waxyeello ka geysto dhulka aad ayay u hooseeyaa,” ayuu yidhi.

Haddii gantaalka uu ku soo dhaco dhulka, gaar ahaana goob ay dad ku nool-yihiin, natiijada waxay noqonaysaa, sida diyaarad yar oo soo dhacaday oo weliba hawada ku soo burburtay, waxaa sidaasi sheegay Jonathan McDowell oo ka hawl gala xarunta Jaamcadda Harvard, oo la hadlay warbaahinta qaar.

Shiinaha waxaa lagu eedeynayaa in ay taxadar la’aan wayn tahay in la ogolaado in gantaal wayn uu dhulka ku soo noqdo isagoo aan la xakameyneynin. Balse dowladda Shiinaha waxay reer Galbeedka ku eedeysay dacaayad in ay ku wadaan gantalkan.

Gantaalka oo dherirkiisu yahay 30 mitir ayaa haatan dunida ku dul wareegaya, 90 daqiiqo kasta, xawaarahaas oo aad u sarreeya, sababayna inay khubarada cirbixiyeenaha ku adkaato in ay shaaciyaan halka saxda ah ee uu ku dhacayo.

Waxaa la sheegayaa in waxyaabaha xaaladda sii adkeynaya ee ay dunida ka walaacsantahay ay yihiin in Shiinuhu uusan dunida inteeda kale la wadaagin macluumaad ku filan oo la xiriira gantaalkaas.

COMMENTS
LINKS