Dhallinyaro Ma Dhabbaa Mise Gudcur Baan Guurayaa?W/Q:Xuseen Cali Nuur. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhallinyaro Ma Dhabbaa Mise Gudcur Baan Guurayaa?W/Q:Xuseen Cali Nuur.
May 8, 2021 - Written by Editor:

Dhallinyaro ma dhabbaa, inaad tihiin aqlabiyada shacabiga Somaliland?  Ma dhabbaa in aad tihiin qaybta bulshada ugu tirada badan ee isticmaasha baraha bulshada? Ma dhabbaa in aad tihiin bulshada inta ugu badan ee haysata digriiyada Jaamacadda ee heerka koowaad iyo labaad?

Dhallinyaro, shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in aanay idinka qarsoonayn xaaladda dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee ay maanta dunidu ku jirto, kuna sugnayd dhowr iyo tobankii bilood ee na soo dhaafay. Muddada oo cudurka Covid-19 ku habsaday caalamka.

Dhallinyaro inta aydaan su’aashaydan ka jawaabin ma dhabbaa in shirkadaha waawayn ee dalalka horumaray qaar ka mid ahi kaceen ama musalafeen, gacan qabasho wax tari wayday albaabadana loo xidhay.

Ma dhabbaa in Somaliland muddadaa dhallinyaradii shaqo Qaran soo dhammaysatay la meeleeyey, dufcad kalena la qaatay. Barnaamijkanina ma dhabbaa in aanu ahayn shaqo abuur kaliya, balse si wayn wax uga tarayo is dhexgalka dhallinyarada Somaliland ee gobolladeeda ku nool.

Dhallinyaro, ma dhabbaa in muddadan Madaxwaynaha iyo saddexda xisbi qaran ay go’aamiyeen in la isku tashado oo doorashadooda aanay  u dabrin kana sugin taageero shisheeye? Ma dhabbaa in go’aankan taariikhiga ah ee aan dunida saddexaad lagu arag ay ku qasabtay dalalkii saaxiibada ahaa  ee kaalmada laga sugi jiray inay dalbadaan in loo ogolaado in doorashadeena bisha May  kaalmo dhaqaale ku darsadaan.

Ma dhabbaa in deeqo waxbarasho oo dibadeed oo Jamhuuriyadda Somaliland hore u arag sannadkan loogu deeqay; qaar ka mid ah deeqahaasina araajidii codsiga laga qabtay bishan?

Ma dhabbaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay taariikhda dooroshooyinka dimuqraadiga ah ee caalamka ay noqotay dalkii ugu horeyey ee haween u tartamaya baarlamaanka iyo golayaasha deegaannada ay xukuumaddu ka bixiso lacagtii dhigaalka ahayd?

Ma Dhabbaa in Alle bariga iyo istiqfaarka Illaahay yihiin kuwa naga badbaadiyey  halaagga iyo aafooyinka ku habsaday caalamka dhowr iyo tobankii bilood ee ina soo dhaafay?

Dhallinyaro haddii ay arrimahan kuwa jira  oo dhab ah oo aanay ahayn kuwo aan ku riyooday  miyaanay idinla ahayn arrin meesha ku jirtana ahayn in doorkii dhallinyaro ee dal u dhashay dalkooda ay ka qaadan jireen inaad ka qaadataan maanta.

DHAMMAAD.

 

 

COMMENTS
LINKS