Faah Faahinta Kasoo Baxaysa Khasaaraha Dhimasho Ee Uu Sobobay Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah Faahinta Kasoo Baxaysa Khasaaraha Dhimasho Ee Uu Sobobay Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho!
May 9, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO (W,N)-Warar dheeraad ah Oo kasoo baxaya qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen taliyihii saldhiga waabariga iyo masuuliyiin kale oo ciidanka katirsan.

Qaraxa oo caawa fiidkii dhacay ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaana inta la xaqiijiyay qarxan ku dhintay Taliyihii Saldhiga Booliiska ee degmada Waaberi Axmed Baashane oo loo yaqiinay Calooleey iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow Cadde Cabdi Baasid Cabdullaahi.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gaadhay goobta uu qaruxu ka dhacay kuwaasi oo gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaadhay qaraxa.

Inkastoo ilaa hadda dowladda Soomaaliya aaysan shaacin khasaaraha rasmiga ee qaraxa Caawa ayaa hadana wararka hordhaca ah ee aan heleyno waxay sheegayaan inuu jiro khasaare badan maadama xiliga qaraxa uu dhacayay uu mashquul xoogan ka jiray goobta uu qaraxa ka dhacay oo u dhaw Isgoyska Dabka oo ah Isgoys aad u jaam badan inta badan.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS