Gudoomiyaha Ururka Solja Oo Caawa Cisbitaalka Ku Booqday Wariye Cabdiraxmaan fantastic Oo Ciidamo Jidh Dil Ugaysteen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Ururka Solja Oo Caawa Cisbitaalka Ku Booqday Wariye Cabdiraxmaan fantastic Oo Ciidamo Jidh Dil Ugaysteen.
May 10, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Iyo Qaarkamid ah suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta hargaysa ayaa caawa Cisbitaalka International ku booqday  Suxufi Cabdiraxmaan Faantastic oo lagu dawaynayo kadib markii ciidamo Ay dhaawacyo culus ugaysteen iyagoo Isha Nabar culus ay kazoo gaadhsiiyeen.

Sidoo kale Gudoomiyaha solja Sakariye ayaa canbaareeyay falka lagula kacay  Suxufi cabdiraxmaan oo ka hawlgala Tvga Eryal isagoo sheegay in aanay ka hadhaynin ciidanka falkaasi ugaystay iyo sida ay uga soo horjeedaan cidkasta oo fal noocaasi ah lagula kaco.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS