DAAWO;-Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyay Liiska Rasmiga Ah Ee Tirada Guud Ee Codbixiyayaasha Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyay Liiska Rasmiga Ah Ee Tirada Guud Ee Codbixiyayaasha Jsl.
May 11, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shaaciyay  Liiska kama dambaysta ahaa ee dadkii qaatay kaadhadhka codbixinta ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa sheegay in liiskan ay soo saareen gudida doorashooyinka qaranku uu noqon doono ka rasmiga ah ee lagu galayo doorashooyinka goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka ee ku astaysan 31-may 2021 inay ka qabsoomaan dalka.

Waxaana halkaasi ka akhriyay liiska tirade codbixiyayaasha Somaliland ee qaatay kaadhka codbixinta

guddoomiye ku xigeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Mustafe Maxamed Daahir Ka sheegay in Liiskani yahay dadkii is diiwaan geliyay ee qaatay kaadhadhkoodii codbixinta balse aanay liiskaasi ku jirin dadkii hore isu diiwaan galiyay ee aan kaadhadhkooda doonnan. Iyadoo tira guud ee dadka codbixiyeyaasha ah ee gobolada iyo degmooyinku noqonayaan “Hal milyan shan iyo lixdan kun siddeed boqol iyo todoba iyo  afartan codbixiye”.

Dhanka kale waxaa madasha lagu shaaciyay tirade guud ee codbixiyayaasha Somaliland ka hadlay xubno katirsan xisbiyada qaranka oo goob joog ahaa

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS