Maayarka Magaalada Gabiley Oo Hambalyo Udiray Shacabka Gobolka Gabiley, Munaasibada Ciidul Fidriga Awgeed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley Oo Hambalyo Udiray Shacabka Gobolka Gabiley, Munaasibada Ciidul Fidriga Awgeed.
May 12, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ahna Musharax Utaagan Tartanka Golaha deegaanka ee doorashada fooda inagu soo haysa 31may 2021 Ayaa  isagoo ku hadlaya Magaciisa, ka golaha deegaanka Degmada Gabiley Wuxuu  dhambaal hambalyo ah udiray guud ahaan umadda Islaamka gaar ahaan  shacabka ku dhaqan gobolka gabiley Munaasibada Ciidul Fidriga Awgeed Isagoo Ilaahay uga baryay in sanadka sanadkiisa ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo,

Maayarka Maxamed Amiin Ayaa fariinta hambalayada ciidul fidriga Ku Baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga Waxay Udhignayd Sidan;

Ciid Mubarak..

“Waxaan Hambalyo iyo Salaan u dirayaa fadliga Ciidul Fidriga awgeed dhamaan Umadda Islaamka meel ay joogtaba gaar ahaan Umadda reer Somaliland si gaara Shacabweynaha reer Gabiley.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

COMMENTS
LINKS