WAJAALE NEWS

“Iibinta Wax-qabadka Xukuumadu, Waxay Rajo Ku Abuuraysaa Niyadda Muwaadiniinta Somaliland Ee Dalkooda Jecel”Eng Xuseen Dayr.

“Ciid Mubaarik dhammaan Ummada Somaliland”

Xukuumad kasta oo ku timid hannaan dimuqraadi ah iyo rabitaanka aqlabiyadda shacabkeeda, waxa hubaal ah inay jirto yididiilo iyo filasho ay shacabku ka qabaan Xukuumadaa iyada ah.

Shacabku waxay naawilayaan ama ay rajo ka qabaan in Xukuumada cusubi ay fulin doonto arrimihii ay ku ballan qaaday xiligii ololaha doorashada, kuwaasoo saldhig u ahaa inay hanato kalsoonida aqlabiyadda codbixiyeyaasha isla markaana ay ku guulaysato hoggaaminta talada dalka.

Dabcan, Xukuumad walba waxay leedahay AJANDE IYO ABBAAR U ASTAYSAN oo ay ku hiigsanayso hirgelinta wax-qabad iyo horumar muuqda oo ay ka iibin karto guud ahaannba bulshada JSL; kuwii u codeeyey,  kuwii ka codeeyey iyo kuwo aan iyagu codaynba.

Dhinaca kale, waxa jirta in Xukuumaduhu ay ku kala xariifsan yihiin qaabka iyo farsamada ay bulshada uga iibiyaan wax-qabadka ama horumarka ay ku talaabsadeen.

Tusaale ahaan,  Xukuumadaha xidhiidhka wacan la leh qaybaha kala duwan ee bulshada, ummadana si joogto ah uga xog-warrama wixii u qabsoomay, wixii ka qabyoobay, wixii ka qaldamay iyo wixii u qorshaysan; waxa badanaaba u suurto gasha inay bulshada ka iibiyaan wax-qabadkooda.

Laakiin, hadii xidhiidhka u dhexeeya Xukuumada iyo bulshada aanu ahayn mid joogto ah ama uu hooseeyo; horumar iyo wax-qabad kasta oo ay Xukuumadu ku tallaabsato ma aha mid muuqanaya ama waxa uu ku qoran yahay wax-qabad la’aan,

maadaama bulshadu aanay ka war qabin ama aanay haynin wax xog ah!

Horumar kasta oo uu dalkeenu ku tallaabsado, cidii doontaaba ha keentee, waxan aaminsanahay in ay niyada muwaadiniinta JSL ku abuurayso rajo iyo yididiilo wacan oo ay aad ugu diirsanayaan.

Qof ahaan, waxaan arkaa wax-qabad iyo horumar dhinacyo badan leh oo ay ku tallaabsatay Xukuumada uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Muuse Biixi Cabdi muddadaa 3 sano iyo badhka ah ee ay talada dalka haysay.

Laakiin, is weydiintu waxa weeyi: Xukuumada Kulmiye wax-qabadkeeda kow-iyo-toban jirsaday ma ka iibin kartaa

bulshada JSL? Gaar ahaan xilligan doorashada golayaasha, sidee bay Xukuumadu u iibin kartaa waxqabadkeeda?

Ciid Mubaarik dhammaan Ummada Somaliland”

Eng Xuseen Aadan Cige (Dayr”

Exit mobile version