Saameynta Xaaladaha Masar , Sudan Iyo Ethiopia Ka Dhexeeyaa Ay Ku Yeelan Karaan Somaliland, Somalia Iyo Geeska Africa!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saameynta Xaaladaha Masar , Sudan Iyo Ethiopia Ka Dhexeeyaa Ay Ku Yeelan Karaan Somaliland, Somalia Iyo Geeska Africa!!
May 12, 2021 - Written by Editor:

“Aduunka Dagaalkiisu Biyaha Ayuu Kusoo Ururay Bad Iyo Barriba , Xaaladaha Biyo-xidheenka Ethiopia Oo Xiisadiisu Cirka Ku Shareeran Tahay!!Hogaamiye Dhimbiil.

Dawladaha Sudan iyo Masar ayaa waxa ay meel adag ka taagan yihiin biyo xidheenka Ethiopia,  shan maalmood ka hor wareysi uu siiyey Madaxwayne Sudan Hamdook muuq baahiyaha CNN ayaa waxa uu ku taageeray hadal dhowaan ka soo yeedhay Madaxwaynaha Egypt Cabdifatax Al-Siisi oo u ekaa hanjaabaad weyn , waxa uu yidhi hadalkiisu sax buu ahaa waxaana uu difaacayey xuquuqda boqolaalka milyan ee Sudan iyo Egypt in ay biyo helaan.

Dhowaan xaaladaha Ethiopia iyo Sudan oo aad u murugsan ayaa waxa galay Madaxwaynaha Erateria oo dhex-dhexaadinta labada dal u guntaday laakiin uma muuqdaan qaar midho dhal ah , hadii xaaladaha biyo xidheenku sii adkaadaan waxa halis gobolkan iyo ka waqooyi bari Africa ba halis ugu jiraan dagaalo adag iyo colaado hor leh.

Xiligani lagu jiro ayaa aad moodaa in aduunku ku dagaalamayo goobaha muhiimka ( Geostrategic positions ) iyo waliba khayraadka ( resource ) oo ay biyuhuna ka mid yihiin , dhulka aad loo danaynayo khayraadkiisa iyo muhiimada uu u leeyahay dalal badan oo aduunka ah ayaa waxa xiligani meelaha ugu muhiimsan ah Badda Cas , oo waliba sababta loo joogaa ay u muuqato mid cudud ciidan iyo dhoolatus ah iyo in la sugo amaanka marinka oo u muhiim ah aduunka oo dhan.

Dalka Jamhuuriyada Somaliland oo ku yaalla goobta ugu muhiimsan dhinacwalba baddacas uu xidhiidh wanaagsan la yeeshay dalka Taiwan  , ciidamada China ee saldhigoodu yahay Djibouti waxa ay dhoolatus ciidamada badda ah ku sameeyeen Badda cas qaybta loo yaqaan biyaha caalamiga ah , arinkani oo aduunku ugu muuqan karayey hanjabaad ay Somaliland kaga bajinayaan ayaan Somaliland iyo dal kale toona wax warbixin ah ka soo saarin.

SALDHIGYADA CIIDAMADA CAALAMKA EE BADDA CAS

Waxa gobolkani iyo guud ahaan Badda cas ku soo badanaya saldhigyada ciidamada milateriga oo aad moodo in la isa soo wada eeganayo,  waxa dhowaan Somaliland yimid wafti ka socda dalka QATAR oo aad u heersareeya , arimaha ay u socdeen waxa loo maleynayaa in ay saldhig ciidan ay ka doonayaan Somaliland.

Hore Somaliland waxa saldhig ciidan in uu ka sameysto raba dalka UAE oo dhisay dekada berbera oo ay dawlada jamhuuriyada Somaliland ku wareejisay garoonkii caalamiga ahaa ee diyaaradaha Berbera oo uu dhismihiisu dhamaad yahay hadda .

Waxa shaki abuuray in Ethiopia oo ciidamo xoogan oo badda ah dhisatay ay la heshiis tahay UAE oo isagu ku xoogan mandaqada Geeska Africa oo degan Erateria iyo Somaliland arimahani waxa loo fasiran karaa in laga yaabo in ay saldhiga Berbera UAE ay sii kireyso ama keento ciidamo Ethiopian ah taasi oo meel adag ay ka taagan yihiin dadka Somaliland in ay ciidamo wadamada jaararku yimaadaan dalkooda.

Waxa kale oo jirtay in Ruushka oo Africa aad u danaynayaa ay hadalhayntiisa ku jirto in  uu Berbera yimaado oo bugcad ka helo, walow ay dhowr goor beeniyeen haddana waxa Somaliland yimid wufuud Russia ah oo kala dambeeyey taasi oo laga yaabo in ay gogol xaadh u tahay in uu soo socdo .

Hore waxa jira in ay Ethiopia danaynayso in Zeila laga siiyo saldhig ciidamada ah arinkaasi oo dareenkiisu taagnaa intii Raisal wasaare Abiy Axmed Ethiopia yimid aad na loogu malaynayo waxyaabaha ay heshiiska ku ahaayeen Madaxwaynaha jamhuuriyada federalka Somalia Mohamed Farmaajo in ay ka mid ahayd arinkani.

SAAMEYNTA XAALADAHA MASAR , SUDAN IYO ETHIOPIA KA DHEXEEYAA KU YEELAN KARAAN SOMALILAND , SOMALIA IYO GEESKA AFRICA.

Colaadaha soo jireenka ah ee Ethiopia iyo Egypt ayaa waxa ay waligoodba saameyn xoogan ku lahaayeen Jamhuuriyadii Somalia, xiligaasi hore intan hadda xaaladaha biyo xidheenku soo cusboonaadeen dawlada Jamhuuriyada federalka Somalia waxa ay xulafo la tahay maamulka Ethiopia iyo Erateria .

Arinkaasi waxa uu Jamhuuriyada Somaliland ku soo jeediyey in ay Egypt oo qadiyada midnimada Somalia ka shaqeyn jirtay ay Somaliland u soo dhowaato oo xidhiidh la sameyso taasi oo dalka jamhuuriyada Somaliland na u ahayd fursad weyn oo qaali ah , hadii xaaladuhu sii cakirmaana waxaaba laga yaabaa in ay Somaliland soo degaan.

Arimahani saameyn togan iyo mid tabanba way yeelanaysa in dalka jamhuuriyada Somaliland noqdo dal fur-furan oo xulafooyinka is haya aanay is hayntoodu saameyn ee midwaliba la leh xidhiidh dalkiisana ku soo dhaweeya taasi oo ah diblomaasiyada qaranka jamhuuriyada Somaliland ku soo caano maalay xiliyadii hore.

Iyo in Somaliland la kala safato xulafooyinka is haya iyada oo miisaamaysa danteeda iyo halka ay fursadi ugu jirto maadaama wadamada Ethiopia iyo UAE midina aanu wali aqoonsi siin Somaliland sidoo kale Ethiopia xulafo la tahay Somalia , taasi oo Somaliland u ah fursad ay ku sameysan karto saaxiibo kale oo danaheega la meel mariya.

Dawlada maraykanka iyo ingiriiska oo iyagu gobolkani siyaasadoodu si dadban iyo si toos ahba ugu shaqeyn jirtay ayaanay kaalintoodii ka muuqan hirdanada ka socda , dawladahani iyo qaar badan oo kale waxa ay Somaliland ka wada shaqeyn jireen dagaalka lagula jiro argagixisada oo aad dhamaad lahayn isla markaana ahaa dhib guud oo aduunka oo dhan haysata.

Xaaladahani biyoxidheenku hadii ay sii cuslaadaan waxa hubaal ah in dagaalkaasi iyo hirdankaasi Geeska Africa oo dhan saameyn doono, isaga oo marka horeba gobolkani ahaa mid ay colaado iyo dagaalo soo jireen ahi naafeeyeen Haddana ilaa hadda ma muuqato baraarug iyo rejo dadka gobolkani u soo muuqata oo ay kaga badbaadi karaan colaadaha soo noqnoqday ee uu gobolku qabatimay.

Hogaamiye Mohamed Abdi Jama

“Muxamed Dhimbiil”

 

COMMENTS
LINKS