Munaasabad LaguTageerayo Musharixiinta Cumar Aw Faarax Iyo Mustafe Cabdi Oo lagu Qabtay Hargaysa Iyo Dardaarankii Madaxda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Munaasabad LaguTageerayo Musharixiinta Cumar Aw Faarax Iyo Mustafe Cabdi Oo lagu Qabtay Hargaysa Iyo Dardaarankii Madaxda!
May 16, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N) Munaasabada hadhimo sharafeeda ah oo lagu tageerayo Musharraxa Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex Cumar Aw Faarax Cabdilaahi iyo Musharraxa Golaha Deegaanka ee degmadda Hargeysa Mustafe Cabdi Cali oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga xaakimka KULMIYE ayaa ka qab-soontay Huteelka Green Plaza ee Magaalada Hargeysa.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay,isla markaana uu hadhimo sharafeedkaa ku maamuusay labadaa Musharrax Xildhibaan Xasan Shahar oo kamid ah xildhibaanadda Golaha degaanka ee degmadda Hargeysa ,ayaa waxa ka soo qayb-galay madax-dhaqameed, haween, dhallinyarro, siyaasiyiin miisaan ku leh saaxada siyaasadda Somaliland oo uu ka mid ahaa Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Sameele iyo taageerayaasha musharraxiinta oo tiro badan.

Siyaasi Muxumed Aw Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Waa Xildhibaankii Saddexaad ee intii waddanka la soo galay aynu soo sharraxno,anniga ayaa ugu horeeyey Cabdicasiis ayaa igu soo xigay kursigii aanu labadayaddaasi soo fadhinay inuu bannaanaado waa nusqaan dhan oo la yidhaah kursigii meesha wuu ka baxay, magaca in la ilaaliyo .”ayuu yidhi

Dhanka kale Suldaan Axmed Cumar ayaa sheegay in loo baahan-yahay in beeshu ay dhex-da u xidhato sidii cod iyo cuud-ba ay ula garab istaagi lahayd labadaa Musharrax ee ay soo xulatay,isla markaana lagu dedaalo sidii ay aqlabiyada ugu soo bixi lahayeen tartanka doorashada “waxa la ina soo saaray inteenan meesha joogta iyo inta maqan labadaa nin ayaa dhabarka la inoo saaray,annaguna waanu ansixinay haddii aanu nahay Salaadiintii.”ayuu sheegay

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna munaasabada ka hadlay,waxaanu halkaas ka jeediyey haddalo dar-daaran iyo duco iyo guubaabo iskugu jira”Maanta waxa taagan oo kawaanka reerkeena saraan oo doorasho in cod iyo xoolo la siiyo u baahan labadaa walaal ee Sheekh Cumar iyo Mustafe,qofka maanta hagradaa berri ka maalin qiimo ma leh.”ayuu yidhi Samaale .

Geesta kalena Xildhibaan Xasan Shahar oo isagu munaasabada hadhimo sharafeedka ku maamuusay labadan Musharrax ayaa isna ugu baaqay tageerayaaasha labadan Musharrax inay is muujiyaan, isla markaana ay mid-nimada reerka ku gaadhi karraan guusha 31 May 2021-ka “Fadhiga ha laga kaco yeynaan is xag-xaganin xinkeenu yuu noqon mid aynu inagu isku reebno ee xingeeno ha noqdo mid aynu walaaladeen ku gaadhayno waxa wanaagsan waa lagu daydaa waxa xuna waa laga baydhaa ,waa in aynu isu tanaasulno oo aynu is raacno xafladan munaasabadan waxay daaran tahay, waa midaynta beel weynta Cabdle Abokor .”Xildhibaan Xasan Shahar.

Waxa iyana halkaas haddalo mahad-naqa ka jeediyey Musharrax Cumar Aw Faarax oo isagu u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Musharrax Mustafe Cabdi Cali oo isna u tartamaya Golaha degaanka Hargeysa, waxaanay si wada jir ah ugu booriyeen tageerayaashooda inay dedaal muujiyaan isla markaana ay isku diyaariyaan doorashadda sidii ay guulo uga gaadhi lahayeen “Goobtan aynu ku noolnahay ee Geeska Afrika xiddigata ka iftiimaysaa waa Somaliland, haddii aynu beerano tacab weynu gaadhi,umma malaynayo in aynu meel kale ku kale tegi doonno,maddaama oo aynu inteenaasu meel kali iskugu nimi oo isku ujeedo nahay, hawl baddan ayaa inoo taal ee aynu dedaalno.”ayey sheegeen.

Gunaanadkii Munaasabadan ayaa ku soo dhammaaday jawigii farxadeed,waxaanay dadkii maddasha ka hadlay ay tageero mug iyo miisaan leh u muujiyeen labadaa Musharrax ee Cumar Aw Faarax oo isagu u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Musharrax Mustafe Cabdi Cali oo isna u tartamaya Golaha degaanka Hargeysa,

COMMENTS
LINKS