Prof Ibraahim Meecaad Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxwayne Biixi Ee Dalka Jabuuti Iyo Danaha Uu Madaxwayne Geele Ka Leeyahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Ibraahim Meecaad Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxwayne Biixi Ee Dalka Jabuuti Iyo Danaha Uu Madaxwayne Geele Ka Leeyahay!
May 16, 2021 - Written by Editor:

Prof Meecaad Oo Madaxwaynaha Somaliland Ugu Baaqay In Uu Cadeeyo Danta Dalka Ugu Jirta Safarada Uu Ku Tago Jabuuti, Balse Aanay Micno Samaynay Arin Aan Dhaafsanayn Roog Cas Baa Loo Dhigay!

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Meecaad Oo kamid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee kudhaqan dalka Canada kana mid ahaa saraakiishii Ururkii Snm ee horseeday dib ulasoo noqoshada madaxbanaanida Somaliland ayaa ka hadlay safarka madaxwaynaha Somaliland ku tagay dalka jabuuti markii afraad iyo sida ay muhiimka utahay in uu bulshada ucadeeyo guusha siyaasadeed ee uu kala soo guryo noqday.

Sidoo kale prof ibraahim meecaad ayaa sheegay in aanay micno samaynay roog cas oo loo dhigo iyo sawiro uu lasoo gale madaxwaynaha jabuuti ismaaciil cumar geele.

Dhanka kale Prof meecaad ayaa soo bandhigay ujeedoyinka uu madaxwayne geelaha jabuuti ka leeyahay casuumadaha uu ufidiyo madaxwaynaha Somaliland oo usheegay in uu isagu ka leeyahay ujeedooyin uu qaybo kamid ah shacabkiisa ku cabsi galinaya amaba somaliya oo ay iskhilaafsan yihiin uu sawir kale tusayo balse aanay jirin maslaxad uu uhayo Somaliland iyo qarannimadeeda.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS