Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyay In Faro-galin Shisheeye Lagu Hayo Dalkiisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyay In Faro-galin Shisheeye Lagu Hayo Dalkiisa!
May 17, 2021 - Written by Editor:

ADIS(W,N)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA.

Wuxuu intaa ku darey ra’iisal wasaaraha in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, isagoo u digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa.

Abiy ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin, kuwaasoo ku haya dalkiisa olole lid ku ah danahoodda oo xoogan.

Dalalka fara gelinta ku haya, ayuu ku tilmaamey Abiy iney yihiin hey’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, kuwaasoo doonaya iney u yeeriyaan Itoobiya habka ay u noolaanayaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in Itoobiya aaney u wiiqmi doonin turun turooyinkaas, laga soo maleegayo dalalka dibadda, sida uu hadalka u dhigay.

COMMENTS
LINKS