Wadada Kursiga Doorashada Loo Marayo Iyo Sida Loogu Codeynayo Qofka Sharaxani, Saameynta Ay Ku Yeelanayso Ujeedkii Iyo Sababtii Aynu Ugu Baahnayn In Aynu Dad Doorano !!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadada Kursiga Doorashada Loo Marayo Iyo Sida Loogu Codeynayo Qofka Sharaxani, Saameynta Ay Ku Yeelanayso Ujeedkii Iyo Sababtii Aynu Ugu Baahnayn In Aynu Dad Doorano !!!
May 28, 2021 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

Somaliland waxa doorashooyinkeegu ku soo bilaabmeen habka doorashada aan tooska aheyn ee ku timaada xulashada kaasi oo ergooyin beelaha laga soo xulay ay soo xuli jireen masuuliyiinta doorashada raba gaar ahaan xeer dejinta oo ka koooban labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida oo iyaguna soo dooran jirey Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen.

Qaabka noocan ah waxa lagu soo shaqeeyey 1993 ilaa 2001 waxa uu ahaa nidaam maamul oo dadka jamhuuriyada Somaliland ku heshiiyeen in ay isku doortaan oo uu qorayey axdi qarameedkii lagu ansixiyey shirkii beelaha Somaliland ee Borama ee ka horeeyey dastuurka dalka maanta lagu dhaqo oo la ansixiyey 31-05-2001.

Xiligii qaabka noocan hore ah wax loo soo dooran jirey waxa soo bixi jirey labeenta ummadda , maadaama beelwalba laga soo xulayo ergo miisaan culus oo ah inta reerka u mudan talada, dhaqanka, iyo diintaba oo iyaguna soo saari jirey xildhibaan xul ah , xildhibaankaasina waxa uu dooran jirey Madaxwaynaha iyo ku xigeenka.

Qaabkani waxa uu waafaqayaa nidaamka maamul iyo dawladnimo ee uu aaminsanaa filasoof ( philosopher) Plato , oo isagu si cad uga soo horjeeda in qofwaliba wax dooran karo isaga oo u arka in talada lagu baahiyey dad aan ehel u aheyn , iyo in inta ugu lacagta badan ama ugu xooga weyni inta kale ku adeegan karto oo ay danahooga ku qumisan karaan maadaama aanu jirin biseyl iyo garaad siyaasiya oo bulshadu wax ku kala xulataa.

Waxa aan hadalkaasi ku xasuustay sanadkii 2001 Madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal oo dadka Jamhuuriyada Somaliland kala hadlaya fagaaraha kheyriyada Hargeisa ayaa yidhi waxa aynu ka guureynaa habkii hore ee aynu isku maamuli jirnay oo waxa loo guurayaa habka casriga ah ee dadweynuhu leeyihiin awooda doorashada.

Halkaasi ayuu aad u dul istaagay hadalkiisa waxa uu yidhi ; dadku hadii aanu noqon mid garaad siyaasiya oo bisil leh nin waliba oo isa soo taagaa waxa uu idin odhan doonaa aniga ayaa waxwalba idiin qabanaya , laakiin aniga iyo inta ila socotaa  nagama suurtowdo in aanu nidhaahno dadku waa idin dihin yahay ee sida aad doontaan uga faaiideysta , rag iga dambeeya ayaa yeeli doona sidaa , markaa waa in dadku yahay mid u bisil in uu wax kala dooran karo.

Somaliland 2001 ilaa 2021 waxa ay ku jirtaa qaabka nidaamka dimuqaradiyadeed ee tooska dadka jamhuuriyada Somaliland ay ugu doortaan mansabyada qaranka iyo kuraasida doorashada ku yimaada sida Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ,Golaha Wakiilada, Golaha deegaanka iyo Golaha Guurtida oo aan wali la dooran oo mudo xileedkoodii dhaafay 18 sanadood oo dheeraad ah hadba cidii ay u gartaan.

Doorashooyinka noocan ahi waa habka aduunka ugu wanaagsan ee umaduna ku kala badbaadi karto qofwalibana xaqiisa siyaasadeed ku heli karo marka loo ilaaliyo shuruucda iyo xiliga ay dhacayaan , laakiin waxa uu u baahan yahay in mudo badan uu qaato si dadku ugu bislaadaan oo garan karaan qofka ay dooranayaan iyo sababta ay ku dooranayaan oo ah in uu yahay qof wax uga qaban kara baahiyaha iyo duruufaha bulshadu qabto.

Waa aragtida uu qabo filosuufka ( Philosopher) Dr Socrates oo u arko in bulshadu ku sinaan karto qofwaliba xaqiisa ku heli karo nidaam wanaagsan oo dawladnimona ku dhisnaan karo , oo waa halka ay aad ugu kala fog yihiin filosoph ka kale ee Plato oo isagu aaminsan in aan bulshadu wax wada dooran karin ee ay dadka umada u taliyaa sida ehlul caqliga iyo ehlul cilmiga , indheergaradku in ay dadka u taliyaan oo ay dawlada iyagu u dhisaan .

Halkaasi in dad aragti hufan lihi in ay wax doortaan waa halka aynu ku socono oo ay ahayd in aynu gaadhno 20ka sanadood ee aynu ku jirnay nidaamka dimuqaradiyadeed , hayeeshee waxa ilaa hadda muuqata in aynaan gaadhin , waana sababta qofka loogu soo xulayo qoladiisa sidoo kale loogu codeynayo isla qabiilkiisa isaga oo aan waxba kale lagu xidhin , halkaasina waxa leexatay qayb ka mid ah ujeedooyinkii laga lahaa nidaamka doorashooyinka oo hadii uu sidan yahay waxa kaga haboonaa xaga xulashada qaabkii hore ee aynu ka soo guurnay kana dhib yaraa.

Yeelkeed e ilaa hadda hadana waxa muuqata in la isku dayayo in doorashooyin ay dhacaan itaalka ay doonaan ha lahaadeen e oo marba wax halagu sii yar kordhiyo e , walow mudada labaatanka sanadood ah ay ahayd in aynu gaadhno meel halkaasi aad uga heer sareysa , dhawr wax baa lidi ku ah in hore loo socdo oo kala ah ;

1- Habkii dhaqanka iyo halkii nolosheenu ka soo bilaabantay ee qabiilka ahaa ee aynu u soo nooleyn oo laga muruxsan kari laayahay.

2- Gobolka Somaliland ku taalo oo aanay ka jirin dimuqaradiyad Somaliland ku carin karaysay in la hiigsado oo dedaalka la labanlaabo bal ay noqotay mid Somaliland u tahay hormood , oo dalal badan oo jaararka ahina u arkaan in ay indhaha caalamka Gobolka jamhuuriyada Somaliland ku soo jeedisay oo ay ka dhalatay in cadaadis iyo culeys la saaro si la iskugu dayo in la fashiliyoba doorashooyinka.

3- Axsaabtii siyaasadeed ee fursada helay 20 ka sanadood iyo hogaankoogii oo ku guuleysan waayey in ay dhisaan axsaab mabaadii iyo aragtiyo dadku ku midoobaan leh sidoo kale shacabka jamhuuriyada Somaliland u bisleyn kari waayey ilaa heer ay gaadhaan yaa wax kuu qaban karaya, laakiin waxa ay daba raaceen uun sidii kali ahayd ee dadka loo dooran jiray ilaa 1960kii.

Markaa wadada kursiga loo soo marayo iyo qaabka qofka loogu codeynayaa waxa ay saameyn ku yeelanaysaa waxii aynu ka doonaynay qofka aynu dooranayno iyo waliba qofkii aynu rabnay in aynu helno…

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

 

COMMENTS
LINKS