Waxaan Deegaan Ku Ahay Hargaysa, Waxaan Codka Soo Siiyey Adeerkay Oo Burco Degan Ma Saxbaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaan Deegaan Ku Ahay Hargaysa, Waxaan Codka Soo Siiyey Adeerkay Oo Burco Degan Ma Saxbaa?
June 7, 2021 - Written by Editor:

MEE XILDHIBAANKAYGII AAN LA XISAABTAMI LAHAA???

Waa wax lagu qoslo waana arin dadka caqliga u saxiibka ahi ay layaabi doonaan,nin doortay xildhibaan aanay isku gobol ahayn  danta ugu jirtaana ay tahay waa adeerkay ayaa halkaasi ka sharaxan,hadana doonaaya in uu la xisaabtamo hadhaw xiijiyana xildhibaan aanu dooran.

TUSAALE Waxaan ka dhoofay Hargaysa oo aan degenahay kuna dhashay noloshayduna kasoo jeedo,waxaa doolaalo iyo doorasho u tegay Berbera,Burco ama Ceerigaabo,waxaan usoo codeeyey ninkii Qoyskayga ahaa Degaan iyo Baarlamaanka halkaas ayaan kaga imi codkii iyo magacaygii ,waxaan kusoo noqday Hargaysa oo aan degenahay xaq ma u leeyahay in Meyerka iyo golayaasha ay dadka Hargaysa doorteen in aan anigu kula xisaab tamo hadhaw waxqabad taasi waa maya mana dhici karto.

Hadiiba Ceerigaabo codkaygii yaalo yaad la xisaabtamaysaa, saxiib waxa kuugu dhaw in aad guurto ,waa caqli aad u liita oo aan la fahmi karin,joog magaladaada ,ha ka tegin,inta badan waxa loo kala dab qataa Hargaysa,Berbera,Burco iyo Ceerigaabo.

YAA XISAABTAMI KARA

Qofkastaa ha ogaado waxa uu la xisaabtami karaa cidduu doortay.

Xildhibaankastaa ha xasuusnaado waxa la xisaabtami kara uun cidii dooratay.

Waxaa kaloo mushkilad ah xildhibaan deegaan kasoo baxay dadkii doortayna ay dib Babuurka e raceen oo raadinaaya dadkii doortay.

QALINKII; KHADAR IBRAAHIM AAR

 

COMMENTS
LINKS