Loolanka Hogaanka Gollayaasha Deegaanka Iyo Wakiiladda Ee Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka Hogaanka Gollayaasha Deegaanka Iyo Wakiiladda Ee Somaliland!
June 8, 2021 - Written by Editor:

Laga bilaabo 6/6/2021, waa bishan lixaade, kadib markii lagu Dhawaaqay, natiijadii hordhaca ahayd ee doorashadii isku-sidkanayd, waxaa dalka ka bilaabmay loolan siyaasadeed oo loo Gelaayo hogaanka gollayaasha doorashada loo galay.

-Haddaba, dadka reer Somaliland waa dad Caqiido ahaan sheegta Diinta Islaamka, balse qofku meeqaam kasta oo uu bulshada kaga jiro, waxaa dhacda in:

 IN AY BURIYAAN, DHAARTA AY DIINTA KU DHAARTAAN.

 IN AY BURIYAAN, BALANTA WAKHTIGA AY GALAAN.

 IN AY BURIYAAN, AXDIGA AY GALAAN.

-Bal dhugo, muwaadin, asbaabta aan u soo qaatay hab-dhaqanka guud ee bulshadeena, kaasi oo ka qayb ah xaaladda maanta taagan. Muwaadin waxaad ka war qabtaa in maalin kadib markii lagu dhawaaqay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashad, in labada xisbi ee WADDANI  &  NEW-UCID, ay ku dhawaaqeen in ay sameysteen IS’BAHAYSI, kaasi oo macnaheedu yahay in ay qaybsanayaan awoodaha iyo mansabyadda gollayaasha Deegaanka iyo Wakiiladda, isla markaana waxay u saareen guddi labada dhinac ah oo ka kooban (10) toban xubnood.

-Sida lagu yaqaan nidaamka IS’BAHAYSIGA waxay guddidu dejinaysaa qorshaha (Road Map) ay labada xisbi wax u kala qaybsanayaan ee ay wax u kala qaadanayaan. Dhinaca kale waxaa isaguna hawshiisa dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed bilaabay xisbiga taladda haya ee KULMIYE, maadaama aanay saddexda (3) xisbi midna aanu haysan Aqlabiyad uu wax ku soo dhiso, taasi oo mar walba loo baahan yahay in ay timaado laba is’bahaystaa…

-Habka is’bahaysiga Ayaan keliya ku eekayn kan ay labada xisbi is’bahaysteen, balse Somaliland waxaa ka jira, noocyadan is’bahaysi:

  1. a) IS’BAHAYSIGA XISBIYADDA.
  2. b) IS’BAHAYSIGA QABIILKA.
  3. c) IS’BAHAYSIGA DANTA ama DANAYSIGA GAARKA AH.

-Saddexdan hab ayaa, nidaamka loogu heshiinaayo waxaa marwalba dabar u ah Caqiidada Diinta Islaamka… taasi oo ay meesha taalo, marka laba dhinaca ay ISKU BAHAYSTAAN mid ka mida saddedan hab, way bud-dhig uuga dhigayaan oo ku soo dabrayaan in ay IS DHAARSADAAN….Taasinna waa sababta aan qoraalkayga uugu bilaabay in aan ku iba furo Caqiidada dadka reer Somaliland, markaas heshiisyada lagu galo mid ka mida saddexdan nidaam, waxay fulintiisu ku xidhan tahay hadba sida loo FULIYO ama loo BURIYO, dhaarta Caqiidada lagu galay ee dabarka u ahayd…

-Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa indhaha ku haysa, waxa laga yeelayo soo xulista Maayirka Caasimada Hargeysa… Taasi oo aad looga war qabo in Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan Xasan… uu ololihii doorashada ku galay in uu u sharaxan yahay Maayirka Caasimada, taasina ay dhalisay in uu helo codadkii ugu badnaa ee musharax la siiyo tan iyo 1960 kii intii degelka Soomaalida doorasho ka dhacday, sida aan taariikhda ku helay doorashadii Baarlamaanka Somaliland ee 1960 kii waxaa codadkii ugu badnaa ee mucjiso ahaa ku soo baxay SHEEKH BARKHAD CAWAALE.. oo helay 4877 , isaga oo ka soo baxay goob doorashadii Gabiley oo ka tirsanayd degmada Hargeysa….. waxay ahayd cod mucjiso ah, waayo codka ku soo xigay wuxuu ahaa 4108 … kaasi oo uu helay YUUSUF ISMAACIIL SAMATAR (GAANDI)…. Xildhibaankii ku soo xigay wuxuu helay 3015 cod….. sida maanta oo ay mucjisada u noqdeen… labadan xildhibaan ee Record-ka cusub dhigay…. Xil. Barkhad Jaamac Batuun… iyo Xil. Cabdikariim Axmed Mooge.

-Haddaba, muwaadin beesha caalamka ayaa si mug leh indhaha ugu haysa sida ay xisbiyadda Somaliland u fuliyaan rabitaanka shacabka reer Hargeysa ee Maayirka ku doortay codad dhan 26299 cod…. Dunida dimuquraadiyadda ee aan ismaamulka dawliga kaga deyanaa waxay tixgelisaa Rabitaanka shacabka marka ay laba hab mid ahaan ku muujiyaan,…. (a) Cod la qaado oo ay Aqlabiyad Kuugu codeeyaan….. (b) ama isku soo bax balaadhan oo dadku malaayiin iyo boqolaal kun ba iskugu soo baxaan, kadibna fariinta rabitaan kooda ay gudbiyaan…. Marka taasi dhacdo waa la aqbalaa isla markaana waxaa lagu jabiyaa wixii xeer hore arrintaas ka yaalay….. haddaba muwaadin waa in arrintan Hargeysi uugu codaysay maayirka ay rabto, sideeda looga jawaabaa….. haddii kale waxaan saadaalin karaa in ay horseedi karto kacdoon shacab oo balaadhan kaasi oo damqa ama dhibaateeya doorashadeenii quruxda badnayd..

Bal aan eegno waayahay iyo sida wax u dhacaan

Qalinkii ;Keyse Amare

+ 252 63 447 05 52

 

COMMENTS
LINKS