Loolanka Loogu Jiro Maayarka Magaalada Berbera Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Xogihii Ugu Danbeeyay Ee Laga Helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka Loogu Jiro Maayarka Magaalada Berbera Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Xogihii Ugu Danbeeyay Ee Laga Helayo!
June 14, 2021 - Written by Editor:

Fadhiga Golaha Deegaanka Degmada Berbera Oo Maalinta Bari Loo Balansan Yahay Iyo Xukuumado Oo Ciidamo Tiro Badan Gaysay + Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Oo Gaadhay

BERBERA(W,N)-Loolanka Kursiga Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ee Maayarka Berbera ayaa, Xiisadiisa iyo Hadalhayntiisu gaadhay Meel Adag, Kadib Markii Wasiiro Katirsan Xukuumadu ku kala aragti duwanaadeen, Cida Noqonaysa Maayarka, iyadoo Wasiirka Arimaha Guduhu gaadhay Magaalada Berbera ujeedada Socdaalkiisa ha ugu badnaato in Xukuumadu siweyn uga Shakiday Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Cabdilaahi Abokor, oo isagu Kasoo horjeeda in Maayarka Wakhtigan ee Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin uu Mar labaad dib ugu Soo Noqdo Hogaaminta Golaha Deegaanka Degmada Berbera.

Gudaha Magaalada Berbera oo Siweyn looga Dareemayo, dhaqdhaqaaqa Xisada Loolanka Maayarka oo ay Si Xamaasad leh ugu Hirdamayaan Maayarkii hore u hayay Xilka Cabdishakuur Cidin iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Dable, oo kasoo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyadoo ay Galinkii Dambe ee Maanta isla Magaalada Berbera Gaadheen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), iyo Siyaasi  Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore ee Madaxtooyada, oo isaguna indhawaale Dhex Socod ku ahaa Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Kuwa Muxaafidka ah Waxaana gabi ahaanba Magaalada Ka Muuqda In Xukuumadu adkaysay Amaanka Magaalada oo Looga Cabsi Qabo in Xiisada Loolanku Saamayn ku Yeelato.

Sikasta, oo ay Tahey Loolanka Kursiga Maayarka Degmada Berbera ee u Dhexeeya Labada Xildhibaan Cabdishakuur Cidin iyo Maxamed Dable, ayaa ah Mid Wali Natiijadiisa iyo Saadaasha sida loogu kala gacan sareeyaa ay Xaqiiqdeedu ka Maqan tahay Guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland oo Siweyn isha ugu haysa Maadaama Taageerayaasha labada Dhinac uu Mid Waliba Dhinaciisa ka Gudbinayo Warar Guushooda ku Saabsan, haddana, Waxaa Xogogaal badani Xaqiijinayaan in Labadii habeen ee u Dambeeyay, Tirada Aqlabiyada Xildhibaanadu usoo Noqotay Dhinaca Xildhibaan Cabdishakuur Cidin, oo Taageero ololaha ah ka Helay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taas oo ay Qeyb ka yahey Socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin uu Goob jooga uga Noqdey Ansixinta oo ay maanta maxkamadu shaacisay 13Xildhibaan ee golaha deegaanka degmada berbera.

Waxaana dhaq dhaqaaqyada loogu jiro maayarka berbera  kusoo biiray in Gurmadka Hargeysa uga tagey Xildhibaan Dable uu Xoojiyay Rajadiisa Khusuusan Gudoomiye Cirro, oo Culays badan Saarey Xildhibaan Casood, oo isagu go,aan ku Qaatey in aanu Cidin meelna uga hadhin.

Sidoo kale  xogaha dheeraadka ah ee laga helayo hirdanka maayarka berbera ee udhexeeya xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa sheegaya in maayarkii hore ee berbera cidin iyo xildhibaan maxamed dable ay aad iskugu dhow yihiin xildhibaanada ay kal haystaan wallow qolo kastaa dhinaceeda guul sheeganayso balse warar ka madaxbanaan ayaa sheegaya in ay adag tahay guusha ay ku kala badin karaa iyadoo maalinta bari ah loo balansan yahay fadhigii kowaad ee golaha deegaanka berbera oo lagu dooran doono maayarka iyo maayar kuxigeenka magaalada berbera

Isku soo Wada duub oo Wararka xogogaalka ahi Waxey Wali Dul joogaan, in Aqlabiyada Xubnaha Golaha Cusub ee Deegaanka Degmada Berbera uu gacanta ku hayo Xildhibaan Cabdishakuur Cidin kuwaasi oo lagu sheegay in uu haysto 7xildhibaan halka xildhibaan dablena uu haysto lix xildhibaan   iyadoo Maalinta Bari ah Fadhiga Golaha Lagu Kala Calaf qaadi Doono.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS