Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye Uga Soo Baxay Golaha Wakiilada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye Uga Soo Baxay Golaha Wakiilada.
June 15, 2021 - Written by Editor:

Hargeys-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay dhammaan xildhibaannada golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga KULMIYE doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay.

Ugu horrayn xubno kamid ah xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada oo ay kamid yihiin Xildhibaan Bashiir Xuseen Xirsi oo kasoo baxay gobolka Awdal, xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaan Cabdilaahi Muuse Cabdi oo kasoo baxay gobolka Saaxil, Xildhibaan Jaamac Abbokor Dubbe oo kasoo baxay gobolka Togdheer, xildhibaan Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo laga soo doortay gobolka Sool iyo xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye oo kasoo baxay gobolka Sanaag oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah uga mahadnaqay marti-qaadka uu madaxweynuhu u fidiyey mudaneyaasha cusub, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xildhibaanno ahaan isku duuban yihiin, kana go’an tahay danta xisbiga ay kasoo baxeen iyo danaha qaranka is waafajiyaan, guul weyn oo uu magaceeda xisbiga KULMIYE leeyahayna ay kasoo hooyaan golaha wakiillada ee ay dhawaan ka hawlgeli doonaan.

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa sharraxay shaqada muhiimka ah ee laga sugayo mudaneyaasha cusub iyo waxyaabaha qarankoodu uga fadhiyo inay qabyo tiraan ee dhinacyada curinta  shuruucda kala duwan ee baahida loo qabo.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE,   Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa xildhibaannada cusub ku hambalyeeyey guusha ay gaadheen, waxana uu ka codsaday inay cududdooda isugu geeyaan sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada, taas oo noqon karta guul kale uu xisbigu gaadhay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhinaciisa si waafi ah ula dardaarmay xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga  KULMIYE, waxana uu tilmaamay inay sugayso jid dheer oo shaqo, loogana fadhiyo in iyagoo metelaya bulshadii soo dooratay iyo qarankoodaba ay kaalin miisaan leh ka qaataan horumarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xubnaha cusub ee golaha wakiillada xisbiga KULMIYE dardaaran iyo  hogo-tusaalayn u jeediyey, waxana uu xubnaha cusub usoo jeediyey inay midnimada dhexdooda ilaaliyaan, kana shaqeeyaan danta deegaannadii laga soo doortay iyo danta guud ee qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaas hoggaamin kara, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Anigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin,  dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay  adkayd dalkan wax ka qabtay, Badhasaabkii ugu horreeyey ee 1991kii iyada oo dadka oo dhammi qori wada sito ninkii ka hortegay ee nabadeey yidhi buu ahaa,  Toddobadii shir ee Barri lagu qabtay ninkii ku jirey buu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal ba ka mid buu ka ahaa, Taariikhdaas buu ku leeyahay, nasiibna wuu ku leeyahay.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay guusha xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ka dhalatay kasoo hoysay doorashadii ina dhaaftay ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka iyo sida ay kor ugu qaadday aaminnaadii iyo sumcaddii ay beesha caalamku ku qabtay Jamhuuriyadda Somaliland,  “Caalamka oo dhan iyo Somaliland, ayaa KULMIYE u qirtay inuu danta Somaliland iyo ictiraafkeeda ku hawl jiro uga markhaati furay, waxaa markhaati dhacayaana, KULMIYE ayey u dhacayaan, KULMIYE-na waynu u simannahay oo madaxweyne ma leh, guddoomiye ma leh wasiirna malaha laakiin waa loo kala badan yahay, laakiin qof kasta oo KULMIYE ah ayuu guushaas  Somaliland oo dhan mucaarid iyo muxaafidba u u qirayaa, caalamkuna u qirayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

COMMENTS
LINKS