Warqad Ku Socota Maayar Cabdikariim Axmed Mooge!W/Q;Kayse Amare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warqad Ku Socota Maayar Cabdikariim Axmed Mooge!W/Q;Kayse Amare.
June 24, 2021 - Written by Editor:

ISKA JIR AFKAARTA TAKFIIRKA (Take care from the Takfiir Ideology)

Mudane Mayor Abdikariim Ahmed Mooge

Mudane Maayar marka hore, waxaa mahad iska leh, Allah(swt) inoo suurta geliyey hamigeenii Maayirnimadda Hargeysa.

Mudane Maayar, Waxaan Illaahay kaaga baryayaa in uu xilka kuu fududeeyo, arrimahana kuu sikhro, insha Allah…

Mudane Maayar waxaan jecelahay in aan ku xasuusiyo in ay jiraan Cadaw badan iyo xasad badan oo lidi ku ah guusheena, isla markaana bilaabaya wajiyo badan oo ay kugu inqilaabayaan, kuna bur-burinayaan hadafkaaga.

Mudane maayar waxaan jecelahay in aan ku xasuusiyo, in ay jirto Baylaha badan oo ka dayacan Caasimadda Hargeysa mudo 30 sanno ah, taasi oo aanay dayicin Maayaradii kaa horeeyey, balse ay dayaceen Qaranka Somaliland.

Mudane maayar sida aan filayo in aad ka warqabto Caasimadda Hargeysa ma laha Xeerkii Caasimadeed ( The City Charter) kaasi oo aan la samayn mudadaa 30 ka sanno ah, Waxaanu xilkiisu saran yahay Qaranka Somaliland, gaar ahaan Gollaha Baarlamaanka (ee Guurtidda iyo Wakiiladda).

Mudane Maayar waxaan ku Xasuusinayaa in aanad wax shaqo ah ka Qaban Karin, Caasimadda Hargeysa haddii aanad helin Xeerkii Caasimadda…..Markaas waa in muddo kooban lagu sameeyaa isla markaana lagu ansixiyaa, si aad hawalaha Qaranka deg-deg uugu bilawdo.

Mudane maayar waxaan ku xasuusinayaa in ay jiraan baylaha badan oo Caasimadda Hargeysa kaga xidhan Dawladda Dhexe, taasi oo dhib iyo caqabad ku ah shaqada Dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa…( tusaale…Gaadiidka Dalka oo ah Qiyaas dhan 150,000 ilaa 200,000 waxay maraan haadka Qaladka ah oo Baabuurtu Isteerinka waxay ku leeyihiin Midigta, isla markaan Xaga Mid ayey ka maraan Haadka Wadada) Arrintaasi Culays badan ayey Caasimada ku haysaa, Balse waxaa shaqadeeda leh Dawladda Dhexe…

Mudane Maayar waxaan ku xasuusin lahaa in Caasimadda Hargeysa ay ka jirto 30 sanno, Dhibaato xagga Ganasiga ah iyo Suuqa oo isku Daadsan, Kaasi oo laga dhaxlay Qaxootigii la Galay, Waana Hawl u Taala Guud ahaan Qaranka Somaliland, Balse aanad ka Maayar ahaan waxba ka Qaban Karin Xalinteeda.

Mudane Maayar Anniga oo soo koobaya waxaan jecelahay in aan ku xasuusiyo in aad ISKA JIRTO AFKAARTA TAKFIIRKA….oo ah cadaw ku lid ah Dawaladnimadeena iyo jiritaankeena,Dhinaca kalena inoo sheegta Diinta Islaamka…. Waxay Gashan yihiin shaadh Diimeed…waxayna wataan Afkaar ay Cadaw ka soo Waarideen…. Waxaanay isticmaalaan Xeelado badan, oo ay ka mid tahay Qabiilka, iyo isku eekaysiinta Bulshada… markaas mudane maayar ka foojignow dibin daabyadooda, iyaga oo Wax Xarima, waxna Xalaaleeya…

Mudane Maayar waxaan jecelahay in aan ku xasuusiyo, sababta Dadka waxmagaratada ahi, isku bar-bar dhigaan magaalada Hargeysa iyo labada Tuulo ee Berbera iyo Gabiley….Waxaa jirta in labadaas Tuullo ay u dhigmaan 1/12 … marka Hargeysa loo Qaybiyo laba iyo toban meelood meel ahaan….. isla markaana labadaas Degmo malaha (a) Dadka Barakacayaasha ah ee maalin walba ku soo biira Hargeysa, iyo inta dhexdeeda ku baro kacda (IDPs)  (b) Labadaas Degmo may saamayn dhibaatadii ka dhalatay Qaxootigii la galay 30 sanno ka hor (The aftermath impact of civil war Refuge), dhibaatadaas oo ilaa maanta ay Magaalada Hargeysi la ildaran tahay…

Mudane Maayar Waxaan kugu Dhaafayaa .. Guul iyo Gobbonimo

Qalinkii; Keyse Amare

+ 252 63 447 0552

COMMENTS
LINKS