Xus Taariikheed: Noloshaydii Qaxoontinimo Iyo Rabaso!W/Q: Maxamed Haaruun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xus Taariikheed: Noloshaydii Qaxoontinimo Iyo Rabaso!W/Q: Maxamed Haaruun.
June 25, 2021 - Written by Editor:

Waayaha nolosha iyo gedgeddoonkooda waxa lagu tilmaamaa mowjado oo kale. Waa mowjado iyaku is wada, oo aad qayb ka tahay. Mowjadahaasi jihada ay hadba u dhaqaaqayaan, Meesha ay ku geynayaan iyo natiijada ka soo baxaysa ma dadka ayaa saameyn ku leh, mise waa wax iska socda oo aynaan waxba ka beddeli karayn? Kii ay tahayba, runtu waa in noloshu tahay wax baaxad weyn, oo qof waliba yahay uun qayb yar oo ka mid ah. Qaxoonti in uu qof noqdo, waa waji ka mid ah uun wajiyada mowjaddaas weyn. Qaxoontinimadu badiyaa ma aha wax ku dhaca si qorshaysan iyo tashi – waa naf la carar. ‘I bixiyoow I bixi’ weeye xaalku.

Iyada oo todobaadkan la xusay maalinta loo asteeyay waayaha qaxoontiga dunida, (June 20), waxa maanta caalamka ku nool, sida UNHCR ay shaacisay sanad ka hor, 80 malyuun oo barakacayaal ah, kuwaas oo 26 malyuun oo ka mid ahi qaxoonti yihiin. Sida uu dhigaayo Cahdiga Calamiga ah ee Qaxoontiga, (Geneva Convention, 1951); ‘Qaxoonti’ waa dad ama qof dhulkiisa ka cararay, una gudbay xuduud waddan kale; ‘Barakacayaashuna’, waa dad wadankoodii ku sugan, laakiin deegaankoodii ka yaacay. Anigu qolada hore ayaan noqday xilli aan da’ yaraa; qormadanna waxa aan sawir ka ga bixinayaa noloshii qaxoontinimo iyo sidii ay u ekayd, taas oo aan hubo dhalinyaro badani in aanay wax fikrad ah ka haysan.

Fasaxii Dheeraa:

Sanadkii 1988kii, aniga oo 13 jir ah ayaa qaxoonti noqday. Dabcan qof weyn oo wax badan fahamsan ama fahmaaya ayaan ahaa, xasuustii dhacdooyinkuna maskaxdayda si qayaxan ayay u gu jiraan. Horraantii bishii May sannadkii 1988, waxa aan dhammaynay imtixaanaddii xidhitaanka dugsiga ee fasalka 7aad, waxaanan fasaxii u baxay beer aanu ku lahayn deegaanka Maygaagta ee duleedka dhinaca Bari ee magaalada Hargeysa. Dhammaadkii isla bishaas May, magaalada Hargeysa iyo meelo kaleba dagaalo xooggan baa si lama filaan ah uga qarxay. Cutubyo ka mid ahaa jabhaddii SNM, ayaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco soo hujuumay. Dagaalkii ciidamada dawladda iyo kuwa jabhadda u dhexeeyay, dad badan ayaa ka soo qaxay. Sida qaxoonti lagu yaqaano, qaab aan qorshaysnayn oo naf-la-caari ah ayaa loo soo barakacay, dadkii aan magaalada kaga imid oo guuraaya ayaana beerta iigu yimid, sida waalidkay, walaaladay, ehelkii guud iyo dadkii deriska aanu ahayn qaarkood. Dhowr usbuuc ka hor wax ila ahaa fasax dugsiyeed gaaban oo caadi ah, ayaa hadda isu beddelay mid dheer oo aan dhammaadkiisa la aqoon.

Run ahaan, sannadkaas 1988kii wax kasta oo noloshayada ku saabsani waxa uu isu bedelay si aan la malayn karayn, oo aan ka soo noqosho na lahayn. Dadkii Hargeysa ka soo cararay ee beerta iigu yimid, waxa ay moodaayeen in ay dhakhso u gu laabanayaan magaalada, waana sida ay qaxoonti kastaaba bilowga u qaataan, laakiin sidaas ma ahayn. Durba rajadii noqoshadu waa soo gaabatay, waxaanan go’aansanay in aan dhinaca Itoobiya u dhaqaaqno. Anaka oo qoysas badan ah oo lugta maalayna, ayaanu goor subaxnimo ah jihada Koonfureed u dhaqaaqnay. Xamaan yaryar oo fudud, iyo carruurihii aadka u yaryaraa baa tunka lagu qaaday, dadkii oo dhammi na waa is wada daba galeen. Aniga iyo wiil aanu ilma’adeer nahay, shaqadayadu waxa ay ahayd in wiil walaalkay ah oo laba sanno jiray aannu tunka ku qaadno, oo iska nasnasinno. Meel Koonfur-galbeed Hargeysa ka ga began, oo Xadhig-xadhig lagu magacaabo ayaanu tagnay, dhawr maalmood baanan joognay dooxo balaadhan oo kobtaas ku taalla. Jabhaddii SNM kooxo ka mid ah ayaa halkaas ku arkay markii iigu horaysay, intaas ka dib na, marar badan baan arki doonaa.

Goor habeennimo ah, ayaanu Dooxadii Xadhigxadhig ka raacnay baabuur weyn oo TD ahaa, kaas oo ay lahaayeen qoys la odhan jiray Ilma-xaange . Si bilaa qaab ah oo xoog isu dhex daadsan baanu baabuurkaas isugu gurnay. Alaab la rasaynaayo ayaad u malaynaysay dadkaas, laakiin xoog baanu u la dhacsanayn kol hadii aan la lugaynayn. Habeenkii oo dhan buu baabuurkii nala sii guuraynaayay– diyaarad casri ah noogama duwanayn raaxadiisu. Xuduudkii baanu habeenimo ka gudubnay, goor subaxnimo ah baanu na keenay tuulo hawd ku taalay, oo Kaam-Abokor lagu magacaabo, halkaas oo iyada iyo afar meelood oo kale – Rabaso, Darroor, Dulcad iyo Baliyaley – oo dhammaantood ka mid ah deegaanka Soomaalida Itoobiya, ay waayadii dambe xarumo qaxoonti oo aad u balaadhan noqdeen.

 

Bilawgii nolosha Qaxoontinimo:

Maalin ama laba ayaanu Kaam-Abokor joognay, ka dib na safarkii baanu sii wadnay. Waxa aan u gudubnay tuulo kale oo aan Kaam-Abokor sidaas uga fogayn, oo lagu magacaabo Rabaso, dadka qaar na ay u gu yeedhaan Ramaso. Halkaas ayaa kolkii noloshayda ugu horraysay aan ku qaatay ahaanshaha cusub ee ‘Qaxoonti’, si dhab ah ayaanan u arkay, oo u dhadhamiyay, waxa ay dhab ahaan ka dhigantahay qaxoontinimo. Nolol dheer oo maalin waliba la jaad tahay tii ka horaysay iyo ta xigta, oo leh bar bilow, una eeg in aanay dhammaad lahayn ayaanu halkaas ka ambaqaadnay. Meeshaas waxa aan gaadhnay badhtamaha bisha July ee 1988kii, muddo dhawr bilood ah ka dibna, waxa noo timid wixii ugu weynaa ee la sugaayay, taas oo ahayd Hay’adda Qaxoontiga ee UNHCR. Inti aanay ha’addu imanin, dadkii badnaa ee qaxoontiga ahaa waxa ay dulsaar ku ahaayeen dadkii xoolo dhaqatada ahaa, laakiin culays weyn oo aanay xamili karayn buu ahaa. Umad dhan oo soo qaxday lama marti gelin karo, hadii la sameeyo na, muddo dheer lama sii wadi karo. Iyada oo raashinkii gabaabsi ku yahay reer miyiga, xoolo aad u badan na la qashay, ayaa hay’addu timid, dadkii na kaamam loo sameeyay.

Kalmadda ‘Hay’ad’ waxa ay lahayd micno weyn oo xoog uga weyn micnaha dhabta ah ee ay leedahay. Waxa ay noola ekayd waalid weyn oo kale, kaas oo laga sugaayo wax kasta oo loo baahanyahay. Kolkii ay hay’addu noo timid, durba waxa la bilaabay in qaxoonti ahaan naloo diiwaan geliyo, waxaana nala siiyay kaadhadh yaryar oo bilaa sawir ah. Ma xasuusto sidii ay kaadhkaas bilaa sawirka ah ugu aqoonsan jireen qofka ficlan iska leh. Durba waxa nala siiyay baco yaryar, qof/qoys kasta na waxa loo calaamadiyay bugcad yar oo ay hoy ka samaystaan. Qof waliba inta uu duurka galay, ayuu soo goostay laamo laga soo goyn jiray geedka Galoolka la gu magacaabo, kuwaas oo inta si wareeg/goobo ah loo sameeyo oo foodda la isu saaro, bacdana dusha lagaga sii xidhi jiray, si ay roobka u celiso.

Kuwaasi waxa ay ahaayeen guryaha aan ku noolayn, laba guri oo kastaa na waxa ay isu jireen laba ilaa saddex mittir. Guryahaas oo buulal la odhan jiray oo midba midka kale ku sii xigo oo dhererkoodu gaadho 1.5KM ilaa 2KM oo si layman ah u yaalla ayaa durba ka samaysmay dhul abidkii hawd ahaan jiray. 30 ilaa 40 layn oo buulashaas is garab safan ka mid ahba, gooni ayaa tirsi loogu sameeyay si loo maamulo. Xaafadda 1aad, 2aad oo anaku aannu deganayn, 3aad ilaa 6aad ayaa samaysmay, waxayna noqotay magaalo qaxoonti balaadhan. Durba waa taas nolol cusub oo laakiin si u qaab darani bilaabantay, xaalku na si walba wuu u adkaa.

Dadkaas tirada badan ee goobta kooban la isu gu ururiyay ma lahayn fayo-dhawr guud, waxaana ugu darnaa musqul la’aan. Dadku duurka ayay u bixi jireen kolka ay suuli u baahdaan, taas na dhibaato badan ayaa ka dhalan jirtay. Beryihii sidaas uun loo degay, waxa bilaabmay cudurro dilaa ah, sababtuna waxa ay ahayd nadaafad darro. Waxyaabaha aan xasuustayda ka bixin, kana bixi doonin waxa ka mid ah dhimashada dadka oo badatay iyo dadkii oo ka daalay aasitaankii maydadka, ilaa ay gaadhay in khasab la isku raafo. Ciidanka Xabashida ayaa saldhig ku lahaa tuulada aan degnay, iyaka ayaana dhalinta khasab ku geyn jiray xabaalaha.

Waxa aan xasuustaa in aanu ka baxsan jirnay qoditaanka xabaalaha, oo makhaayadaha tuulada iska fadhiisan jirnay. Koob shaah ah amaba xabad sigaar ah ayuu ahaa waxa ugu weyn ee aanu soo raadsan jirnay, haddii aanaan helinna, ugu yaraan hawsha ayaanu ka dhuuman jirnay, laakiin la isuma ogolayn. In badan baan xasuustaa iyada oo askari Xabashi ahi inta uu noogu soo galo makhaayadahaas waababka ka samaysan ee tuulada, sida tii Xuseen Rooble ama Cabdi-Geeljire oo kale, uu laad nagu bilaabo. Dabcan askarigu wuu hubaysan yahay, qof keliya oo awooda in uu ka cararo na ma nagu jiro. In badan bay dhacday anaka oo dhawr ah oo uu Xabashi hubaysani dabada naga wado, in xabaalaha nala keeno si aanu uga qayb qaadanno aaska maydadka tirada badan ee iska soo daba dhacaaya.

Dani waa seetto:

Sidaas oo xaalku u adkaa, haddana Aadamuhu waxa uu awood u leeyahay in uu la qabsado hadba duruufta uu ku jiro. Durba dadkii waxa ay qabatimeen noloshii qaxoontinimada. Qof kastaa buulkiisa yar iyo cuntada xadiddan ee UNHCR uu todobaadkii mar ka helo ayuu aaminay, nolol na ku dul dhisay. Fikir cusub iyo talo cusubi ma jirin. Si isku mid ah ayaa loo fikiri jiray, loo noolaan jiray, oo loo dhaqmi jiray. Buulashii ayaa saldhig u noqday nolol, amaba ma ahee wax nolol u ekaa. Waxa durba bilaabmay astaamihii nolol lagu yaqaanay – guur iyo aroos, carruuro dhasha iyo dabcan kuwo badan oo dhinta.

Waxa abuurmay sheekooyin ka turjumaaya qaxoontinimada, hal-ku-dhegyo iyo maansooyin. “Labadeena kaadh, maysla kaashanaa” ayaa saldhig u ahayd haasaawaha dhalinta qaxoontiga, taas oo loola jeeday labadeena kaad-qaxoonti hadii aynu isku darno, wax qoys qaxoonti ah ku filan waa ku heli karnaa, in aynu qoys abuurno na waa suurow. Haa, sidaas aadka u sahlan iyo halbeegga kaas ah – Labadeena kaadh, maysla kaashanaa – ayaa qoysas badan lagu dhisay, carruuro badani na ku dahsheen. Marka laga soo qayb galo xafladd aroos qaxoonti oo guriga cusub ee qoyskaasina yahay buul kale oo ku soo kordhay buulashii tirada badnaa uun, sidii ay ahaan jirtay iyo sidii dadku u faraxsanaan jiray ayaanan marnaba illaawin. Dadka buulashaas yaryar ku aroosanaayay, ee waliba ku faraxsanaa, mar aan sidaas u fogayn waxa ay ku jireen guryo waawayn, aroosyadooda na si balaadhan, oo kharash badan baa loo agaasimi jiray, markan se waa is beddelay xaalku. La qabsiga aan sheegaayay uun bay ka mid ahayd taasi.

Dadkii waa sii deegaamoobeen, waxaana la sameeyay iskuul carruurtu dhigato oo dugsi hoose/dhexe ah. Iskuulku sidii guryihii dadku galaayay oo kale, waxa uu ka samaysnaa laamo geedo laga soo jaray, duur lagu dhafay iyo bac buluug ah oo dusha kaga sii xidhan, taas oo xarfaha UNHCR iyo astaantoodu meel walba kaga taallo. Macalimiintii soo qaxday oo uu hormuud u yahay Maxamed Yuusuf Dagaal, (Ilaahay ha u naxariisto), oo ka mid ahaa masuuliyiintii Wasaaradddii Waxbarashada ee Gobolkii Waqooyi Galbeed, ayaa iskuulkaas gacanta ku hayay. Macalimaddii Yurub ee xisaabta noo dhigi jirtay, macalinkii kolka aanu gef samaynno, halkaas shafka naga qanjiidhin jiray ee aanu Naaso-gooye u bixinay iyo macalinkii afcarbeedka noo dhigi jiray ee Ciraaqi lagu naanaysi jiray, ayaa si xasuustoodu iigu dheertahay.

Mushahar xoog u yaraa, laakiin markaas wax weyn u muuqday oo macalimiinta la siin jiray, iyo agab iska aasaasi ah (qalimaan, buuggaag, sabuurad iyo tabaashiiro) ayaa hay’addu iskuulka ku caawin jirtay. Waxa isna ay hay’addu abuurtay goob caafimaad oo iyaduna duurkaas oo kale uun ka samaysnayd, waagii dambe na dhismayaal lagu kordhiyay. Hooyada iyo dhalaanka yaryar ayaa si gaar ah loogu daryeeli jiray, bukaan socodkuna kama waayi jirin kiniin waawayn oo xilligaas aan ugu yeedhi jirnay laba liq. Nolol sidaas u fudud, oo dadku dirqi iskaga noolyahay ayay ahayd, waa se lagu soo mooday.

Hirarkii warka:

Dadku xaalad adag ayay ku jireen, in ay helaan warar noloshooda si uun u khuseeya ayayna xoog u gu baahnaayeen. Ma jirin ill wareed aan ka ahayn BBC da afsoomaaliga, oo galabtii iyo habeenkii la dhegaysan jiray. Qofka af ajnabi yaqaan, gaar ahaan Ingiriisi, waxa uu dhegaysan jiray qaybaha kale ee BBC da iyo VOA da, wixii warar ah ee ay sheegaan na, cidina kuma burin jirin. Barnaamij la odhan jiray Todobaadka iyo Afrika, oo maalinta Arbacada uu Cabdilaahi Xaaji ka soo dayn jiray BBCda ayaa si gaar ah loo danayn jiray, waxaana inta badan laga ogaan jiray wixii usbuucaas warar ah ee Soomaalida khuseeya. Warka ugu wayn ee xilligaas dadku danayn jireen waxa uu ahaa dabcan, wararka ku saabsan dagalaadii ka socday Goboladii Waqooyiga, ee imikana ah Somaliland, iyo guud ahaan wararka Soomaaliya.

Maalmo badan idaacaddu arimahaas qaxoontigu danaynayaan ma ay soo qaadi jirinba – waxa mararka qaarkood la waraysan jiray Ismaaciil Buubaa oo in badan ahaa wakiilka xidhiidhada debedda u qaabilsan jabhadda iyo Siilaanyo oo Gudoomiye ahaa. Jabhaddii SNM oo 1988kii magaalooyinkii ay gashay dib looga saaray, ayaa fadhiyay dhulka miyiga ah, waxaana dadku u dheg-taagi jireen, in mar uun idaacadda BBCdu sheegto xoogaggii jabhadda oo magaalooyinkii dib u qabsaday. Cidda labaad ee BBCda soo raacda, ee wararka noocaas ah laga sugo waxa ay ahayd jabhadda laftooda, iyada oo kolka ay kaamamka qaxoontiga yimaaddaan la waraysan jiray.

Warar u badan goobtaas iyo goobtan kale oo weerar culus lagu qaaday, ciidankii dawladdana lagu baabi’yay; iyo magaalooyinka waawayn oo in la galo qarka loola saaranyahay iwm, ayay sheegi jireen, xoogna waa loogu mafsuudi jiray. Wararkaasi dabcan kuwo run ah iyo kuwo been-dagaal (war propaganda) ah ayay isugu jireen, in la kala hubsadona tiradaba kuma jirin. Yaaba waxaas dan ka lahaa. Warka kiisa run ta ah iyo ka aan ahayn isku si baa loo danayn jiray, loona hadal hayn jiray maalmo iyo todobaadyo. Xataa qofka soo sheega wax aan la jeclaysan, haddii uu doono runba ha ahaadee, waa la maagi jiray. Si xun wax u sheeg sixir ka daran, baa la odhan jiray. Taasi waxa ay keentay in dadka loo sheego uun hadba waxa ay jecelyihiin in loo sheego, dhaqan caam ah ayayna noqotay.

Hargeysa oo burburtay:

Saddex sannadood oo aad u dhaadheer ka dib, noloshii qaxoontiga is beddel baa ku yimid. Jabhadihii beelaha Soomaalidu waa soo bateen, dagalaadiina dabcan waa bateen, ilaa ay Muqdisho ka soo gaadheen. USC iyo SPM oo Janaraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Kornayl Axmed C. Jees ay kala hoggaaminaayeen ayaa dagaalo ka bilaabay Koonfurta, SNM oo Cabdiraxmaan-tuur hoggaaminayaana dagaaladii Waqooyiga ayay sii xoojiyeen. Xilliyo isu dhow ayaa jabhaduhu qabsadeen Muqdisho oo Maxamed Siyaad ka baxay, iyo magaalooyinkii Waqooyiga ee muddoba dagaaladu ka socdeen.

Dadkii saddexda sanadood qaxoontiga joogay, si aan qorshaysnayn ayay qaxoontiyadii uga soo yaaceen kolkii ciidamadii SNM ay qabsadeen Goboladii Waqooyiga. Dadku marka ay muddo qaxoonti ahaadaan, waxa ay xaq u leeyihiin in loo helo waxa ay ku magacaabaan xal waara (durable solution), taas oo ah saddex midkood – in ay waddankaas ay u soo qaxeen ku sugnaadaan oo muwaadiniin ka noqdaan, in waddan kale oo saddexaad loo daadgureeyo iyo in ay waddankoodii si ikhtiyaar ah ugu laabtaan, si mug leh oo qorshaysanna loo gu fududeeyo dib-u-noqoshada. Anaku jidka saddexaad ee noqoshada ayaanu qaadanay, laakiin cid noqosho qorshaysan nagala hadashay ma jirin. Jabhadda iyo Hay’addu toona waxaas nagalamay hadlin, run ahaanna cidiba ma sugin.

 

Magaalada Hargeysa, oo ku dhawaad saddex sannadood ay iigu dambaysay, ayaan si xiiso gooni ah leh isugu soo daayay. Baabuur ah noocii Siisowga la odhan jiray, oo ay lahaayeen qoys la odhan jiray Ilma-weerar baan soo raacay, aad na wuu u gaabinaayay, mise anaka ayaa degdegsanayn. Magaaladii Hargeysa oo si yaab leh u burburtay baan nimid goor galabnimo ah, muuqaaladii aan galabtaas arkay na weli maskaxdayda kama bixin. Magaaladii aan fasaxa ka ga baxay May 1988kii, iyo tan aan ku soo laabtay February 1991kii, si walba waa u kala duwanaayeen. Burburka dhismayaasha, xashiishka meel walba tuulan, dadka waddooyinka socda oo xoog u yaraa iyo gaadiidka jidadka maraaya oo xoog u ga sii yaraa, ayaa intuba warbixin dhammays tiran kaa siinaayeen wixii magaalada ka dhacay. Waxa aan tegay gurigayagii dagaalka ka hor, saqafka, albaabada iyo daaqadaha ayaana ka maqnaa. Waxa aan eegay gidaarada guriga xariiqyo aan ku samayn jiray, oo dhererkayga ku cabbiri jiray inta aan gidaarka is ag taago, mar kale ayaanan xariiqyadii gidaarka aan ku sameeyay saddex sannadood ka hor isku dhereriyay, si aan u ogaado inta dherer ii korodhay, mana badnaynba – saddex sannadood wax badani ma kordhaan!

Geesta kale, waxa aad iigu weynaa oo aan soo eegay dugsigaygii Axmed-gurey. Dad qaxoonti ah baa ku jiray fasaladii badankooda, kuwa aan lagu jirinna way dayacnaayeen. Waxa aan galay xafiiskii maamulaha dugsiga. Sawiradii iyo faylashii ardayda oo dhulka daadsan baan u gu tegay. Saaxiibbo aan si wacan u garanaayay, oo dagaaladii ku dhintay ayaa sawiradoodu ka mid ahaayeen kuwa halkaas daadsanaa, aad na waan u ga xumaaday. Muuqaal si dhab ah uga turjumaaya wixii dhacay buu ahaa. Nolol si ugu eeg middii qaxoontiga ayaa magaaladii nooga bilaabantay, jabhaddii dagaalada soo gashay na waxba waa maamuli wayday. Nolol fawdo ah, oo wada xabad ah, oo wada qori ah, oo wada qaylo iyo qaxar ah baa bilaabantay, dad badan oo dagaaladii hore ka soo badbaaday baana xiligaas dhintay ama dhaawacmay. Sidaas oo xaalku ahaa, hadana dad badan baa muddo kooban gudaheed magaalooyinkii oo xoog u burbursan si habaqle ah u gu soo noqday, dad kale oo badanina ma ba soo laaban. Ilaa maantadan Rabaso dadkii tegay 1988kii qaarkood ayaa sidii u jooga sida aan warka ku hayo, in aan maalin uun booqdo na waa jecelahay. Intaas wixii ka dambeeyay waa taariikh iyo maalin kale.

 

QALINKII; Maxamed Haaruun Biixi

Email: mbiixi@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS