Is-haynta Axsaabta Siyaasadu Yaanay Qaranka Hadimo U Keenin!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Is-haynta Axsaabta Siyaasadu Yaanay Qaranka Hadimo U Keenin!!
June 29, 2021 - Written by Editor:

Awoodaha hay’adaha qaranka iyo wada shaqeyntoodu waxa ay ku cadahay dastuurka dalka jamhuuriyada somaliland, waxa Xilka iyo waajibaadka golaha wakiilada ee wada-shaqeynta xukuumada si cad u qeexaya qodobada dastuurka ee 53aad, 54aad 55aad iyo 56aad .

Madaxweynaha sababaha uu xilka ku waayi karaa maaha wax sahlan waxaana si cad u qeexaya qodobka 86aad ee dadtuurka somaliland , markaa wax mad-madaw gali karaya maaha .

Arimahani waxa ay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee midiba labada dhadhaar mid ka kale uga baqayo oo qodobka 56aad ee dastuurka laftiisa waxa ku jira xiliyo madaxweynuhu kala diri karo golaha wakiilada laakiin maaha wax sahlan oo waa marka afti ay dadweynaha dalka maxkamada dastuuriga ahi ka qaado.

Haddaba maal-mahan waxa badatay in loolanka axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadu ee shirgudoonka golaha wakiiladu meel adag marayo oo dalka hadimo iyo dhibaato u keeni karta , muhiimna aan aheyn in sidaa loo sii ficiltamo.

Hadalkiii faysal cali Waraabe ee maalintii ay shirgudoonka isbahaysigu u dooranayeen sadexda xubnood iyo wareegto madaxwayne Mohamed Ibrahim Egal qorey 16 Jan 1996 ( Ref buuga ducoqabe boga 175 ) oo ku saabsanayd wadashaqeynta golihii wakiilada ee xiligaasi iyo xukuumada oo isku mar-may sidii dawladaha nidaamkoogu yahay prime ministerial ka ayaa aad isugu mid ahaa .

Axsaabta mucaaridku hadii ay haystaan aqlabiyada golaha macneheegu maaha in xukuumada iyo madaxweynuhu dhacayo,  sidoo kale maaha wadashaqeyntu labada dhadhaar ee qaranku meesha ka baxayo , ee waxa wanaagsanaanayaa isla xisaabtanka iyo in goluhu shaqadiisa si wanaagsan u qabsado mid shirgudoonku wax weyn ka badeli karona maaha.

Wallow ay mudo hadhsan tahay haddana maaha in loolanka loogu jiraa uu qaranka dhaawaco,  waxii umadu wada lahayd iyo dawladnimadana curyaamiyo oo arimuhu noqdaan ku jiqsii.

Doodii xalayto ee dood wadaag maxamud xaashi ayaa si fiican ugu sharxay isaguna in helida shirgudoonku aanay muhiimada iyo aqlabiyada golaha waxba ka badelayn .

Taariikhda waa in aynu waayo aragnimo ka qaadanaa oo waxii hore inooga qaldamay aanu dib inoogu soo noqon,  ficiltankii mucaaridka iyo muxaafidka ee golaha 2005 ilaa 2010 waxa uu dalka ka dhigey ragaad iyo is eryad hay’adaha qaranka midiba mid ka kale iska dhicinayey dabadeedna waxa yaraaday wax qabadkii.

Isku soo wada xoori doorashadii aynu galnay waxa ay ahayd mid qurux badan, dhameystirkeeduna waxa uu ku jiraa qaabka shirgudoonka loo doorto iyo waxa ka soo baxa Sida uu u ekaanayo , oo caalamkuna aad inoogu eegayo , markaa waxa aanu leenahay is haynta axsaabta siyaasadu yaanay qaranka hadimo u keenin.

QALINKII;-Mohamed Abdi Jama “Dhimbiil ”

COMMENTS
LINKS