Qaab Dhismeedka Nidaamka Maamulka Dawladeed Ee Heer Gobol /Degmo Iyo Goleyaasha Cusub!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaab Dhismeedka Nidaamka Maamulka Dawladeed Ee Heer Gobol /Degmo Iyo Goleyaasha Cusub!!
June 30, 2021 - Written by Editor:

Sida ku cad xeer lr-23/2019 cutubka 3aad Qodobka 14naad ilaa 19naad , waxa uu faham buuxa kaa siinayaa qaabka maamulka heer gobol, kala soocnaanta shaqo, shaqooyinka iyo gudiyada wadajirka ah , awooda maamul iyo dhaqaale , iyo waajibaadka hay’adaha dawlada ee heer gobol/Degmo.

Halkani waxa ku cad in degmooyinka A iyo B ay ka masuul yihiin dhamaan adeegyada nololeed,  caafimaad,  horumarineed,  deegaan,  shaqo,  waxbarasho ilaa heer dugsi dhexe oo ay iyagu gacanta ku hayn karaan , arinkaasi waa hab wanaagsan oo maamul daadejin , waxaana muhiim ah in ay ku baraarugsanaadaan in waajibaadka laga sugayo ay ka mid yihiin kuwanina.

Degmooyinka derajada C xeerku waxa uu sheegay in aanay ku qasbanayn iyagu adeegyadani aan kor ku soo xusnay ee  awoodooda dhaqaale halka ay gaadhsiisan tahay uun laga doonayo.

Sida xeer 23/2019 ka muuqata Gudomiyaha Gobolka ( badhasaab) ku xigeenka iyo Xoghayaha fulinta waxa ay ka socdaan xukuumada dhexe waxaana halkani si cad ugu qeexan shaqooyinkooga gaarka ah iyo kuwa wadajirka ah ee gudiyada gobolada iyo degmooyinka sida gudiga horumarinta heer gobol.

Waxa iyaguna xubno ka ah gudiyada Gobolka isu-duweyaasha hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada , oo hoos imanaya Gudomiyaha Gobolka iyo maamulkiisa si toos ah , waxii farsamo ah ee shaqooyinkooga ku saabsana waxa lagala tashanayaa iyaga ( isu-duweyaasha  ).

Xeerkani waxa uu si cad u qeexayaa kala sareynta maamul ( Hierarchical administration) , masuuliyada qayb walba oo dawlada heer gobol/degmo ah ( responsibility of regional/district institutions ) , shaqooyinka wadajirka ( collective work ) iyo kala soocnaanta maamul iyo shaqo ( separation of power and jobs ) .

Lagama maarmayo in goleyaasha deegaanka iyo gudoomiyeyaasha goboladu ay noqdaan dad wada shaqeyn kara oo meel u wada jeeda , xiligani lagu jiro , waana sida kaliya ee gobolkastaa ku horumari karo oo waxna ku qabsan karo waxna dawlada dhexe kula qaban karto hadii la helo maamul mideysan .

Gudomiyaha Gobolka waxa saaran in uu xukuumada uga soo jaro Gobolka uu gudoomiyaha ka yahay wax walba oo ay xaq u leeyihiin iyo baahidooda heer gobol/degmo ilaa tuulo, marka aad eegto xeer lr-23/2019 shaqooyinka iyo masuuliyadaha laga filayo Golaha deegaanka degmooyinka qaar A iyo B ah ayaan wada awoodin dhaqaale ahaan, hawshaasi , Waxaana ay tahay in ay tunka u ridato gudiga horumarinta heer gobol oo uu badhasaabku Gudoomiye u yahay, meel walba oo ay u gali karto danta gobolkaasina u gasho.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS