Baaqa Golayaasha Iyo Baylah’tirka Magaalka.Eray–Tabintii:Axmed Cali Kaahin.UrbanistQ/1aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baaqa Golayaasha Iyo Baylah’tirka Magaalka.Eray–Tabintii:Axmed Cali Kaahin.UrbanistQ/1aad.
July 5, 2021 - Written by Editor:

Baaqa Golayaasha iyo Baylah’tirka Magaalka.

Ajendaha Cusub ee Magaalka (New Urban Agenda)

Hilawga iyo hayaanka ka soo qulqulaya miyiga kuna waajahan magaalooyinku waa mid kamida dhibaatooyinka dadku waajahayaan qarniga 21aad. marka la qiyaaso xadiga iyo xaalada u diyaarsanaanta adeega magaalooyin yaala, taasi oo magaalooyinku baaxada culays adeeg bixin taasina keenayso faqri daran, shaqo la’aan baahsan, waxbarasho la’aan caafimaad daro iyo xaaluf iyo isbadalo cimileed. Haddaan qorshe la yaqleelin lagu faro galiyo qulqulkaasi.

Si magaalooyinka loogu diyaariyo waxay u baahin farogalin ama wax qabad lagu kaabo dhibaatooyinka jira lagunu horumariyo adeegyada.

Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan degaamaynta dadka Unhabitat. Waxay soo saartay buug hage ama kuna saabsan bay’lahtirka magaalka lana lamaan qorshaha yoolasha waara loo yaqaan. Waana  hage Dawladaha Hoose iyo ta dhexe iyo adeegayaasha kale qaabka ugu haboon ee la tacaalida baylahda magaalka  ama magaalooyinka taal 2020 kiina la diyaariayay. Haddaba agendahani wuxuu soo jeedinyaa arragti fog iyo sees u dhigid kala horid hormooyin waxqabadyo ah.

Halkan waxaan kusoo koobi doonaa qaybo kamida nuxurka uu sido kaasi oo baahi wayn u qabaan bulshadeena iyo adeegayaashooda ay doorteen. Waxaana aqoontooda iskugu geeyay khubaro aad u badan oo khibrad dheer u leh jaan goynta magaalka iyo horumarinteeda iyo sida loola tacaalo caqabadaha soo waajaha. Oo ka kala socday 197 Dawladood, , in ka badan 1000 + dawlado hoose, iyo daneeyayaal aad u badan baa wada dajiyay buug hawleedkan.

Hadda magaalawgu wuxuu ku socdaa xawaare sare Tusaale ahaan 2000-2010 bariga Eashiya waxaa magaalooyinka u soo hayaamay in ka badan 200 million qof oo miyiga ka yimid, soona raadsaday nolol magaalo. Qulqulkaasina wuxuu keenayaa in bulshadu ku noolaato meelo isku raran ah,  lahayna adeegyada aas’aasiga ah oo dhan. Badi dadka afrika ku nooli waxay ku nool yihiin meelahaasi isku raranka ah. Qorshahani wuxuu daah furayaa sidii loola tacaali lahaa dhibaatooyinka Magaalka.

Haddaba haddii aan si fiican loo jaangoyn yaqleedida qorshayaal lagula tacaalo korodhka magaalawga waxaa dhacaaya. Dhibaatooyin dhaqaale, cidhiidhi, nabaad guur, iyo degaano isku raran ah, shaqo la’aan baahsan  sidaad daraadeed faro-galin horumarineed waa qasab haddii kale xaaldu waxay gaadhaysaa meel aan wax laga qaban karin.

I;Qodobada ugu cuddoon ee qorshaha magaalaynta ee Cusub

  • Sii Jiritaanka bulsho bilan oo adeegyo sana sida: Adeegsiinta dadka baahiyaha gaarka ah leh, qorshaynta qulqulka dadka soo galaya.
  • Kobcin dhaqaale waara sida: Shaqo abuur iyo hagaajinta maciishada bulshada. Waxsoosaar iyo tartan.
  • Deegaan ilaashan oo waarta: Sida ilaalinta dhamaan degaanka, deegaanta duurjoogta, ciida iyo hawada. Waayidoodu waa nolol waa
  • Lahaansho dhul oo qorshaysan: In hoos loo dhigo cufnaanta dhismayaasha lana helo dhul qorshaysan.

Talaabooyinka Hagaajinta ee Farsamo qodobadan kor ku xusna

ü Waa in Siyaasada Magaalaynta iyo dhulka la sameeyaa lana hirgaliyaa

üGuriyaynta iyo horumarinta iyo kor u qaadida isku’raranta siyaasadeedii la unkaa lana dhaqaajiyaa.

ü  Nidaaminta shuruucda magaalka ee maamul ahaan.

ü  Nasqadayta Magaalka.

ü  Nidaaminta Maaliyada Dawladaha Hoose.

ü  Maamulida nidaam dawladeed ee magaalka.

I.Talaabooyinka hagaajinta kaabayaasha adag iyo adeegyada.

v  Gaadiidka iyo socdaalka.

v  Korontada.

v  Qashinka adag.

V  Biyaha iyo Nadaafada.

II.Tallaabooyinka hagaajinta adeegayada fudud.

  • Dhaqanka.
  • Waxbarashada.
  • Caafiamadka.
  • Badbaadada magaagalka.

III.Tigknolayjiyada iyo Hal-abuurnimada.

Ø  Aaladaha Casriga ah.

Ø  Gaadiidka casriga ah.

Ø  Dhismaha iyo ku dhisida Alladaha Casriga ah.

Ø  Khariidadaynta aagaga iyo xogta.

Eray – Tabintii : Axmed Cali Kaahin

Idamka Alle waxaa Xigi Q/2aad.

aakaahin@yahoo.com

Urbanist.

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

COMMENTS
LINKS