Dalkii Somaliland Ma Dawlad Ciidan Oo Shuuci Ah, Ayaa Qabsatay Tolow? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalkii Somaliland Ma Dawlad Ciidan Oo Shuuci Ah, Ayaa Qabsatay Tolow?
July 13, 2021 - Written by Editor:

“Hadii Uu Moodayo Madaxweynaha Talada Hayaa In Cahdigani Yahay Xiligii Ciidamada Lagu Kala Adkaanayey, Ee la Isku Dhoola-tusan Jirey, Aduunku Maanta Halkaasi Wuu Dhaafay…”Mahamed Dhimbiil

Somaliland warbaahinteeda waxa haysta ciidamo ilaa intii ay xukuumada madaxwayne Biixi dalka taladiisa qabatay oo qaar tababar loo xidhayo iyo qaar loo furayo ah , baraha bulshada ee ay madaxtooyada iyo hay’adaha dawladu leeyihiin waxaa haysta oo ka muuqda muuqaalo ciidamo marwalba.

Munaasibad waliba oo la qabto sawiradeeda waxaa buuxiyey ciidamo garab yaacaya madaxweynaha oo in ay ilaaladii yihiin aad moodo oo ka badan 7 taliye ciidan,  xafladaha ugu badan ee uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ka qayb galaa waa qaar ciidan oo soo batay intii uu kursiga joogay iyaguna.

Baryo dhexdii ahayd waxaa soo baxday in xukuumada lagu eedaynayey in ay dad ku xidh-xidho kuna jidh disho guryo aan aheyn goobo ciidan, oo ay ciidamo gaar ah u sameysatay arimahani oo layaab iyo anfariir ku noqday dalka jamhuuriyada Somaliland oo la xasuustay hab dhaqankii dawladii kacaanka.

Waxa kale oo la hadal hayaa hadda waddaniyad la baranayo iyo shaqo qaran oo dadka la galinayo oo aan ujeedadeeda ilaa hadda la fahmin ,  dhamaantood waa astaamihii kacaanka shuuciyada laga dhaxlay mana ah qaab ay dawladaha dimuqaradiga ahi isticmaalaan hab dhaqanka muuqaalada noocan ah leh, oo layaab nagu noqday.

Dalka jamhuuriyada Somaliland waa dal leh dastuur casri ah oo uu ku jiro ilaalinta xuquuqaha ama qaybta xuquuqaha ( bill of rights ) iyo xeerar wanaagsan oo dastuurka ka farcama oo goleyaasha xeer dejintu sameeyeen ( legislative houses ) intani oo u baahan in dawladnimada lagu dhaqo oo lagu shaqeeyo si dalku u noqdo mid uu shaqeeyo awooda shuruucdu ( Rule of law ) , ma jirto wax looga baahan yahay wadaniyad iyo jibo kacaan.

Sidoo kale waxa soo batay in aad moodo in dalka dawlad cusubi qabsatay oo qaabkii maamul laga badelay marka uu masuul walba oo meel haystaa iska soo saaro awaamiir aan la garanayn waxa uu u cuskaday, waxaasi oo dhamaan is biirsaday iyo dadkii oo hadal daayey ayaa taagan hadda.

sharciga iyo dastuurka dawladu waxa ay ka adeegsataa inta ay cidii ay doonayso ku eedayso,  sidoo kale inta ay xukuumadu rabto in ay ku cadaadiso mucaaridka iyo cidwaliba oo tidhaahda dalka waxbaa ka qaldan,  hab dhaqanka noocan ahi waxa uu dalkii ka dhigey mid aan la ilaalin xuquuqaha iyo Xoriyada aasaasiga ah ee muwaadinku xaqa u leeyahay,  waxaana dalkii noqday bilaa sumcad.

Hadii aan ujeedo kale iyo nidaamka maamul ee dalka in hab ciidan loo rogo aan lagu socon xukuumadu ha joojiso hab dhaqanka shuuciyada iyo nidaamkii kacaanka ah oo ay la dhacsan yihiin dadkii dawladii kacaanka soo gaadhay inta kale na ay la yaaban tahay wax loola jeedo.

Ciidamadu waa halbowlaha qaranka waxaana ay ku maamuusan yihiin halkooda laakiin maharajaankan joogtada ah , waxa uu dalkii u eekaysiiyey dawlada xukunka milatery iyo nidaamka kalitaliska ah taas oo ah foolxumo weyn , waayo wax walba oo intiisa la dhaafiyo oo la buun-buuniyaa waxa uu yeeshaa waji kale iyo macno kale.

Hadii uu moodayo madaxweynaha talada hayaa in cahdigani yahay xiligii ciidamada lagu kala adkaanayey ee la isku dhoola-tusan jirey aduunku maanta halkaasi wuu dhaafay oo dagaalka ugu weyn ee lagu kala adkaadaa waa diblomaasiyada iyo dagaal siyaasadeed oo aqoon ku dhisan,  waxaana tusaaleyaal inoogu filan waxa hareereheena ka dhacaya .

Somaliland ha loo ilaaliyo dastuurka iyo xeerarka ka farcama , dawladnimaduna waa in ay noqotaa dawlad maamul wanaag iyo sharci wanaag dadka Somaliland iyo dibada jamhuuriyada Somaliland ba lagaga qiimeeyo oo aan qori uuni muuqan iyo direys ciidan.

QALINKII;-Maxamed cabdi jaamac (M, Dhimbil)

 

COMMENTS
LINKS