Ma Dadkaan Dadkii Aheyn, Mise Dadnimeyntii Baa Socota (Dilkii Marxuumad Hinda Cumar) W/Q; Fu’aad Sh. Jabha, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Dadkaan Dadkii Aheyn, Mise Dadnimeyntii Baa Socota (Dilkii Marxuumad Hinda Cumar) W/Q; Fu’aad Sh. Jabha,
July 14, 2021 - Written by Editor:

Ma dadkaan dadkii aheyn Mise dadnimeyntii  baa socota

Bahda Mareegaha Farshaxan July 13, 2021

Haweenka haddaad  dishaan    haddaad Kufsataan  Hablaha

Hooyooyinka noqon lahaa         Huq iyo ku dishaan halga

Haddaad waa heeraysaan         oo Halbawlaha wada jartaan

Hadhowto halkeed ku hiran

Heblaayadaad guursanleyd   Kuway Hooyadaa dhashee

Hareeraha kaa xigee                    Hoygana aad wada gashaan

Waxaad u horseeday  baa            Ogoow kuu yaal halkaa

Horaa loo yidhi waar hooy            Cuqubo halkii la

Hurudaa caawa la yidhi

Haweenkuna waa hugee        Hoygii gurigeena iyo hayinka

lagu guuri iyo hogaankii reeraha  Gurigi aan haween laheyn

habeen iyo waa habaar      Aan lagu soo hoyan Karin

Haweenkaay raaliyaay

Erayada iyo laxanka  Cabdi Falaash , cod samaynta Muftuux Cadceed, codkii UBah Fahmo

“Basaska  huruuda ah  ee Maxamed Mooge u baxa  waa saddex …” ayaa aheyd weedh kaalin mug leh ka geysatey soo qabashada   eedaysanayaasha…….

Waxay aheyd  habeenkii Khamiistii ee toddobaadkii  la soo dhaafey (July 8,2021).  Marxuumada Hinda Cumar ayaa  booqatey gabadh dumaashideed ah oo degan xaafada Maxamed Mooge.  Ku dhawaad ilaa 8:00pm ayey  u holatey inay gurigoodii oo ku yaalay xaafada Qudhac Dheer u sii  socdaasho. Waxay Hinda u dhaxdey   mudane Mataan Ismaaciil Faray.      Dushaashideed ayaa  u sii galbisey  marxuumad Hinda dhinaca xarunta basaska ee  u dhaw Masjidka  Jaamaca Nuuraani.  Waxaa joogay xilligaa bas midabkiisu yahay huruud oo ay saarnaayeen laba wiil (dirawalka iyo kirishboyga).   Hinda Dumaashideed oo ka hadleysa dhacdadaa siday u dhacdey  waxay tidhi:

“Baska ayaan ka saarey  xarunta Baska ee Masjidka Jaamac Nuuraani xilli ku beegnayd  8:40pm , waxaan saarey bas huruud ah.Waxay ku socotay  xaafada Qudhac Dheer ,”

Muudo gaaban ka dib oo ku beegnayd ilaa 10kii habeenimo ku dhawaad ayaa la helay Hinda oo taal dhulka meel  ka leexsan wadadii tageysay Qudha Dheer  oo u dhaw Masjid Siraaju-Diin… Marxuumad Hinda waxaa  muuqaalkeeda qariyey dhiig diidey in dadkii ugu horeeyey  ee meeshaa tagey ay gartaan. Halkaa waxaa ka cad in dhib badan loo geystay marxuumad Hinda.”

Hooyo Soomaalilander ah oo ka warameysay arintaa , meeshana tagtey ayaa tidhi:  “  Waxaa la igu yidhi bas ayaa inanta laga soo tuurey, dabadeedna waxaan garaacey telefoonka mid ka mid ah baslayaasha oo aan hayey.Waxaanan ku idhi baslayaashii maanta Maxamed Mooge inan ayey ku soo dileen.Baskaasina basaska  caan ayuu ka yahay  oo  waa huruud  ayaan ku idhi sida la ii sheegay , waxaanu iu yidhi Haddii uu huruud yahay lunmi maayo oo waa la garanayaa …dabadeedna wuxuu la hadlay inamo maamulka ka tirsan,uuna u sheegay in bas huruud ahi inan soo diley”.

Kooxda baslayaasha ee warka isgaadhsiiyey waxay isla garteen in Basaska Huruuda ah  ee Maxamed Mooge u soo baxaa ay saddex keliya yihiin.Laba waxay joogeen goobta istaanka, midka maqan ee Xaafada Maxamed Mooge ku maqanina la isla gartey kuu yahay. Sidoo kale ayaa la helay markiiba direwalka magaciisii iyo sawraciisiiba.

Hase yeeshee direwalkii iyo kirishboygii  intay  gaadhigii meel galiyeen ayey suuqooga kala xuleen. Dirawalkii oo aanad moodin inuu dhagarqabeba yahay oo maqaaxi iska fadhiya, iskana shaaheynaya  ayaa loo soo galey. Istaanka meherad u dhaw ayuu si baraad leh iskaga shaaheynayey. Duulkii raacdadiisa ku jirey ayaa  waydiiyey :  “ Xaafadii Maxamed Mooge adigaa ka yimidee, waa maxay dilkan aad soo geysatey”

Dirwelkii oo   yaaban, isna yidhi ma kamarado ayey kugu hayeen, ayaa isku dayey inuu is difaaco, waxaanu yidhi:  “Ninyohow haa gabadha waan sidey,laakiin meel Alla meel ay naga soo gaadhey maba garanayno, markaanu saylada mareyno ayaanu aniga iyo inankii (Kirishboygii) iswaydiinay  waar inantii meeday , deetana waxaanu is nidhi aar wuxu ma jin bay bay aheyd Acuudu Bilaahi “..

Bal  nin  ragoow weedhaa u fiirso, dhagar intaa leeg oo qof bani’aadama oo haween ah loo geysto oo  hadal xumaantaa loo sii raaciyo maxaad u malaynaysaa……..

Waxaan jeclaystay bal inaad dadka reer Soomaaliland la wadaago  gef loo geysto haween siduu uula weynaa bulshada  nooleyd iyo  maamulkii  ka horeeyey 1960kii……..

27kii bishii Janaayo ee 1953kii  ayaa albaabada loo furey dugsiga hablaha ee magaalada Burco. Dugsigan ayaa ahaa dugsiii ugu horeeyey ee loo furo hablaha reer Soomaaliland.Waxaa maamul ka aheyd  Miss Mclaren, waxaana kalkaalinayey Miss Naylor iyo marwo  Aamina Macalin Qaasim. Sidoo kale waxaa gacan yare ka aheyd marwo Edna Aadan Dhakhtar.

Nabadgelyada  taaley Dalka Soomaaliland iyo ku dhaqanka xeerarka la dhigtey ayaa waxay keenayeen inaan la isku gabood falin. Ardeyda hablaha ah ee dugsigaa dhigtaana iyagoo aan baqasho ku jirin ayey ku hoyan jireen guryahooda, aroortiina ka soo kalihi jireen. Ardeyda hablaha ee dugsigaa ku jirey oo tiro ahaan ahaa ilaa 30  hablood, ayaa ilaa 12 hablood oo ka yimid degaanada kale ee Soomaaliland ay u badnaayeen in ay hoy ahaan(Boarding School)  u joogaan dugsiga. Tirada ardeyda kale waxay ku noolaayeen magaalada Burco.

Iska dhaaf in haween u dhalatey dalku ay baqasho gashee, haweenayda maamulaha dugsigaa ka aheyd ee Miss Mclaren ayaa galabta gaaban socod tamashlaa ku qaadi jirtey waddada ka baxda Burco ee tagta magaalada Sheekh, iyadoo kali ahaan u socota  si ay u qaadato laydha, una hesho socod maalmeedka caafimaadka jidhka  lagu ilaaliyo.

Bishii Maarso  1dii, 1953kii  ayey Miss Mclaren  socod tamashle iyo jimicsi ugu baxdey  waddada ka baxda Burco ee tagta Magaalada Sheekh. Saacadu waxay ku beegnayd 5:45 galabnimo.Miss Mclaren  socod aan dareen baqasho  qabin ayey ilaa 2 mayl  ka sii fogaatey magaalada Burco. Dalka way ku cusub tahay Miss Mclaren, dalka umay dhalan, badheedhaha intaa leeg waxaa ku keeni kara waad garan kartaa. Waa nabadgelyada taala dalka iyo xeerka dalka oo si cad loo fuliyo, qof walibana u hogaansan yahay.

Wiil dhalinyaro ah oo da’diisu tahay 22 jir ayaa arkey Miss Mclaren oo kaligeed tamashleynaysa. Wiilkaa wuxuu hunguri ka galey  qaadashada boorsada ay degta ku sidatey. Marna hunguri kamuu galin gabadhaa dhib u geyso, gabadhaa dil, gabadhaa kufso. Markii uu wiilkaasi  ku soo dhawaadey Miss Mclaren   ee uu laacey boorsadeeda ayey kala boodey. Ul yar oo uu haystay ayuu gacanta yo lugta kaga dhuftey si ay u soo deyso, gacantiisa umuu quudhin inuu dhib ugu geysto. Hase yeeshee wiilkii ayaa arkey hooyo xaabo xambaarsan oo waddada ka talaabeysa meel iyaga aad uga durugsan.  Muu arag rag ka dhiciya, muu arag dad awood  u sheegan kara, waxaase ku qaadan waa ku noqotey in la arko isagoo haween dhib u geysanaya, waanu baxsadey oo dhinaca keyn u dhaweyd ayuu galey.

Miss Mclaren   dib ayey u soo noqotey, kuna wargelisay hay’adihi u qaabilsanaa.. Ciidamadii nabadgelyada ayaa ku baxey kuna istaagey raadkiisii, soona qabtey…Waxaa si dhakhso ah loo horgeeyey maxkamada oo  Xaakimkii guud (Mr. Justice Keating) ee dalka Soomaaliland ku xukumay ninkaa 6 sanno oo xadhig ah. Muddada la soo qabtey iyo muddada la xukumay umay dhaxeyn 10 cisho, Waxaaney muujineysaa muddadaas gaabani  aqoonta ay lahaayeen ciidamada nabadgelyadu iyo siday hawshoodu ugu dirnaayeen garsoorayaashu.Waxaanu xaakimku sheegay in uu  ku xukumay  xukunkii ugu badnaa si ay cashar lama ilaawaan ah ugu noqoto dadka dhibtaa is yidhaa geysta….

Bal akhriste iswaydii oo arintaasi oo kale ma ka dhacdey Burco markaa ka dib!!!!!!!!!!

Xigasho:

Bulsho Tv   :     https://www.youtube.com/watch?v=HjmB6D4DU4o

Baraha Bulshada ee Facebook, Youtube, iwm..

Qolka Kaydka ee Mareegaha Farshaxan

Fu’aad Sh. Jabha

Bahda Mareegaha Farshaxan

COMMENTS
LINKS