Khilaafyo Ka Dhex-qarxay Laba Wasiir Iyo Laba Agaasime Guud Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafyo Ka Dhex-qarxay Laba Wasiir Iyo Laba Agaasime Guud Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi!
July 26, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Khilaaf-yadda u dhaxeeya Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Guud ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa Ah qaar soo noq-noqda,isla markaana uu khilaafkoodu debada u soo baxo,waxaana xusid muddan in agaasimayaal dhawr ah xilalka loogga qaaday arrintan.

Haddaba waxa hadda uu khilaaf ba’ani ka dhex –qarxay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimaha guud ee wasaraddaa Maxamed Xasan Dirir,kaas oo ahaa mid huursanaa,isla markaana muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnaa wasaaradda ayaa markii ugu horaysay soo shaac baxay,kadib markii la baahiyey warqad uu wasiirku shaqadii kaga joojiyey agaasimaha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa shaqadii ka hakiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xasan Dirir,iyadoo u wasiirku ka joojiyey Agaasimaha shaqadii,isla markaana uu ku eedeeyey inuu sameystay Shaanbad qarsoodi ah oo aan sharci ahayn iyo in uu dayac ku sameeyay shaqadii Wasaaradda iyo in uu diiday Wada shaqeyntii xafiiska Wasiirka iyo weliba in uu mihiim u arki waayey shaqadii maalin laha ahayd ee wasaaradda ,sidaana waxa lagu sheegay warqad qoraal oo ka soo baxday xafiiska Wasiir Maxamed Muuse Diiriye.

Dhanka kalene illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in khilaaf uu ka dhex alloosan yahay Wasiirkada Wasaaradda Macdanta Jaamac Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mukhtaar Maxamed Cali,kuwaas oo la sheegay inay isku jiq yihiin muddooyinkii ugu dambaysay,isla markaana ay isku hayaan awooda maamul ee wasaaradda dhex-deeda,wallow aaanu soo shaac bixin khilaafkani,balse waxa la sheegay inuu gaadhay Madaxtooyadda,ma jiro war amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay wasaaradda marka laga yimaado xoggahaanu ka helnay illo wareedyadda ka agdhow wasiirka iyo agaasimaha

COMMENTS
LINKS