Markabkii Labaad Oo U Rarnaa Ganacsato Reer Somailand Ah Oo Ka Goostay Dekedda Berbera Isagoon Rogin Shixnadii Saareyd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markabkii Labaad Oo U Rarnaa Ganacsato Reer Somailand Ah Oo Ka Goostay Dekedda Berbera Isagoon Rogin Shixnadii Saareyd
July 27, 2021 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Dekadda Berbera waxaa shalay subax dib uga noqday markab u rarnaa ganacsato reer somaliland ah oo siday Noocyada kala duwan ee bagaashka noqoshada markabkani ayaa lala xidhiidhinayaa in la soo xidhi waayay sababo la xidhiidha dabaylo xoogan oo wiigan ka dhacayey magaaladda iyo badda.

Warar kale oo laga helayo markabkan ayaa sheegaya in alaabadii uu iskaga rogayo Dekadda Jeddah, halkaasi oo muddo dambe ay oolayso inta laga helayo markab xagga somaliland u soo baxaya.

Ganacsatadii uu u rarnaa markabkani ayaa iyaguna dhankooda walaac weyn ka muujinaya alaabtoodan dib uga noqonaysa dekada berbera, maadama bishan gudaheeda uu noqonayo markabkii labaad ee ka noqday dekada berbera, taasi oo keenayso dib u dhac badeecadeedd, sidoo kale suuro-gal ka dhigaysa in markale ay sababto maceeshada oo qaaliyowda.

Hawlaha Badda oo ay ka mid tahay xidhista iyo furista maraakiibta ayaa ah shaqo ay gaar u leedahay Somaliland, gaar ahaan hayadda Dekada Somaliland.

 

 

COMMENTS
LINKS