WAJAALE NEWS

Daraasad Banaanka U Soo Saartay Baahiyaha Adeegyada Caafimaad Ee Carruurta Somaliland Ka Jirta Iyo Gobollada Ugu Daran!!

Haddii Ilmahaagu U Baahdo Qalliin Deg-deg ah dhib intee Leeg baad martaa Waalid, Haddii aad hesho Cisbitaal Adeegaa Qaban kara ?

Hargeysa (W,N)–Wargeys qora Wararka Caafimaadka oo Magaciisu yahay BMJ OPEN, ayaa baahiyey deraasad laga sameeyay Xaaladda adeegyada Caafimaad ee Cisbitaallada Somaliland, gaar ahaan adeegyada Qalliinka ee ay ka heli karaan Carruurtu.

Culayska caalamiga ah ee dhanka cudurrada Carruurta ayaa ah mid si aan dheellitirnayn u saameeya waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dakhligoodu dhexdhexaadka yahay, sidaasi darteed saamayntaas ayaa ka jirta xaaladaha qalliinka iyo daryeelka Carruurta Somaliland.

Deraasaddan oo ujeeddadeedu ahayd in la ogaado Tirada Carruurta Somaliland ku nool ee wakhti ku habboon heli kara daryeel Caafimaad, gaar ahaan Adeegyada Qalliinka, ayaa waxa lagu ogaaday in Somaliland aad uga liidato, waxayna Deraasaddu caddaysay in 10% keliya Carruurta Somaliland ay heli karaan Qalliin Caafimaad.

BMJ OPEN, wuxuu sheegay inuu xog ku saabsan culaysyada ka jira adeegga Qaliinka carruurta ka ururriyey carruur ka badan 1500 iyo 15 Cisbitaal oo ku baahsan Somaliland “Waxaanu ka soo ururinay xog ku saabsan culeyska qalliinka 1503 Carruur ah iyo 15 Cisbitaal oo ku baahsan Somaliland. Waxaan adeegsanay dhowr hab oo ay ku jiraan falanqaynta aagagga adeegga Qaliinka looga baahan yahay iyo iskudhafka miisaanka dhexdhexaadka ah si loo qiyaaso juquraafi ahaan qaybinta xaaladaha qalliinka Carruurta iyo helitaanka daryeel ee guud ahaan Somaliland.” Ayuu qoray BMJ oo uu Geeska Afrika uu Warkan ka soo xigtay, waxaanu intaa sii raaciyey in Deraasaddu soo saartay in in ka yar 10% carruurta Somaliland ay helaan daryeel caafimaad xilliga ku habboon “Natiijada falan-qayntayadu waxay soo jeedinaysaa in ka yar 10% carruurta ay helaan daryeel caafimaad oo wakhtigooda ku habboon guud ahaan Somaliland.”

War-bixintan waxa kale oo lagu sheegay in caqabadaha dhanka Adeegyada caafimaad ee Ubadka ay ka mid yihiin inay adag tahay in carruurtu markay daryeelka caafimaad u baahan yihiin aan loo helin karin, balse meelaha qaarkood si loo helo cisbitaal bixin kara adeeg Qalliin gaadiidka dadweynaha la raaco muddo 12 saacadood muddo ku siman, taasi oo ka dhigan inay adag tahay sida loo helo cisbitaal bixin kara adeegyada ay ka midka yihiin Qalliinnada carruurta yaryar “Waxaa jira kala duwanaansho dhanka juquraafiga ah oo Ballaadhan, kaasi oo ku saabsan baahsanaanta baahiyaha qalliinka carruurta iyo helitaanka daryeelka qalliinka ee gobollada oo dhan.” Ayuu sheegay BMJ

Joornaalku wuxuu War-bixintiisa si gaar ah ugu soo hadal-qaaday Gobollada Sool iyo Saaxil oo uu xusay inay baahiyahani aad uga jiraan iyo carruurta ku nool dhulka baadiyaha ah oo aan intooda badan helin daryeel caafimaad.

Deraasaddan ayaa waxa lagu ladhay War-bixino ay hore arrintan uga soo saareen Hay’adaha Global Initiative iyo WHO, kuwaasi oo dabcan Deraasaddana door ku lahaa sida uu baahiyey BMJ Open.

Gebogabada Deraasadda ayaa lagu talisay in Dawladda Somaliland sii Waddo dedaallada wax lagaga qabanayo ama lagu yaraynayo baahidan taagan, inkasta oo dhanka kalena ay Deraasaddu sheegtay inay yar tahay in Somaliland wax ka qabato wax muuqda illaa 2030-ka.

 

Exit mobile version