Wadooyinkii Ay Dawlada Hoose Ee Hargaysa Ka Banaysay Xaafada Linka Bilayska Oo Dib Loo Xidhay Iyo Xogaha Laga Helayo ! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadooyinkii Ay Dawlada Hoose Ee Hargaysa Ka Banaysay Xaafada Linka Bilayska Oo Dib Loo Xidhay Iyo Xogaha Laga Helayo !
July 27, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA()-Dhawaan Ayay Ahayd markii guri ku dhexyaala Linka bilayska ee Magaalada hargaysa uu dab ka kacay sobobay Dhimashada laba Caruur ah iyo khasaare hantiyeed taasi oo ay Sobobtay in markii Ciidanka dab damisku waayeen wado ay kazoo galaan uu ku shuf Beelay gurigii iyo umadkii ku jirayba.

Maayarka caasimada oo kamid ah gurmadii xukumada ee goobtan asoo gaadhay ayaa mar ku bixiyay in la furo wadooyin xaafada soo galaya ooh ore ay qaarkood uxidhaan ganacasato

Dawlada hoose ayaa maalintii labaad olole ugu baxday xaafadan iyadoo afar wado ka furtay xaafada linka bilayska kuwaasi oo loogu talo galay in dadka iyo gaadiidkuba kazoo galaan kana baxaan.

Wadooyinkii ay dawlada hoose ka furtay xaafada ayaa hada waxaa ka socda dhismayaal lagu galinayo albaabada ganjeel ah oo lagu xidhayo,

Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan caasimada ayaa ilaa labadii maalmood ee udanbeeyay iswaydiinaysa sobobta keentay mudo dhowr iyo labaatan cisho kadib albaabo loogu xidho wadooynkii laga furay xaafada linka bilayska oo baahi wayn uqabtay meelo ay ka baxaan kana soo galaan iyadoo hore ulahayd hal albaab oo xaafadaha qaar ay ku dheerayd mudada ay usoo soconayan,

Masuuliyiin ugu saraysa dawlada hoose qaarkood oo aan la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in ay iyagu galinayaan albaabada oo ay ku sheegeen in ka xidhanayaan gaadiid iyo dad parking doon ah oo culays ku keenay xaafadan dawlada hoose ee hargaysin ay tahay cida dhismaha ka wada.

Marka laga tago hadal masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada hargaysa ay ku sheegeen in ay iyagu Albaabado galinayaan wadooyinkii ay hore ufureen, hadana wali macada ujeedada keentay in wadooyinkii la furay ee xaafada link bilayska la xidho lana galiyo albaabo ugaarka ah xaafadaha ganjeeladooda dibada lamid ah ,halka iyadoo ujeedadii laa baneeyay marka hore ahayd in bulshadani ay helaan wado hadii wax dhexdeeda ka dhacaan ay uga soo gurman karaan gadiidka dab damiska iyo kuwa kale ee ciidanamaduba taasi isticmaalkeeda ay ubaahan yihiin boqolaal qoys ee dhex degani linka bilayska iyo gaadiiidka ay wataanba hadaba marka ay dawladii hoose xidho iyadoo caday ujeedada ku ka liftay,

Iyadoo ahayd talaabadii uhoraysay ee uu qaado maayarka caasimadi cabdikariim axmed mooge maxay tahay sobobta soo deg dejisay in ay durba albaabo aan lagarayn qaab loo isticmaalay in ay ku xidho? Ma cadaadis dhinaca xukuumada iyo ganacsada ah ayaa ku yimid.

Isku soo wado duub oo dadwaynaha caasimada ayaa il gaara ku Eegaya Arimaha ka socda xaafada link bilayska iyo sobobta loo xidhay wadooyinkii dawlada hoose Ay ka banaysay xaafada linka bilayska iyadoo aanay mudo bil ahba gaadhin hadana albaabo lagu xidho !

Dhanka kale qaarkamid ah bulshada ku dhaqan xaafadan iyo kuwo kale ayaa aaminsan in qorshaha lagu xidhayo wadooyinkii laga baneeyay xaafadan uu yahay mid cid gaara loogu danaynayo ismarkaana dawlada hoose ay ku kaliftay in ay xidhaan cadaadis kaga yimid xukuumada sare iyo ganacasade  marka horeba dhismayaal waawayn ka samaysay qaybo kamid ah linka bilaysk horena loogu xidhay wadooyinkan in hadana ay dawlada hoose fulinayso damacoogii halka dadka qaar ay talaabada lagu xidhayo wadooyinkii laga banayeeyay xaafada linka bilayska ay ku tilmaameen in ay ku lamaanyihiin arimo gaar ah iyo in xukuumadihii kulmiye ay kaabka linka bilayska hawlan tahay sidii ay ga  ka iibin lahayd  ganacsatada reer somaliland oo qaarkood damaca kaga jiro dhulkan ay degan yihiin dadka degana laga dhex raro sidii kuwii horeba looga raray xaafado deganaa wallow aan walo warkaasi lahubo,

Dadwaynaha degan xaafada linka bilayska ayaa tiraba dhowr jeer cabasho ka muujiyay ganacsadaha leh damacba ka dhex dhistay kuna soo durkay dhulka uu ka koobnaa linka bilaysku qaybo kamid ah hadana uu doonayo in inta kalena uu la wareego garoonkii dhalinyarda xaafadu ku ciyaari jirtay uu dul dhigay dayr wayn oo uu ka sameeyay park baabuurta lagu xaraysto.

Masuuliyiinta dawlada hoose ayaa bulshada caasimada hargaysi ka sugayaan in ay ucadayso sobobta ay uxidhay wadooyinkii ay xaafada ka furtay iyo  ujeedada ay ugu xidhayso albaabadan waawayn.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS