Banaan Baxyo Lagaga Soo Horjeedo Dagaalka Canfar Kusoo Qaaday Deegaanka Garba ciise Oo Ka Dhacay Jig jiga Iyo Dire dhaba! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Banaan Baxyo Lagaga Soo Horjeedo Dagaalka Canfar Kusoo Qaaday Deegaanka Garba ciise Oo Ka Dhacay Jig jiga Iyo Dire dhaba!
July 28, 2021 - Written by Editor:

JIG JIGA(W,N)-Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax nabadeed oo ay shucuurtooda ku muujinayeen.

Banaanbaxan ayay dadku ku cabirayeen sida ay uga xun yihiin shacabkii sida xun loogu laayay Galbeedka Gobolka Sitti gaar ahaan magaalada Garbaciise.

Dadka isu soo baxay oo ka koobnaa dhammaan xaafadaha magaalada Jigjiga ayaa watay boodhadh ay ku qornaayeen erayo ay ku muujinayeen dhacdadii foosha xumayd ee Dadka shacabka ah loogu laayay Garbaciise, iyadoo geesta kale ku dalbanayay in sharciga la horkeeno dadkii falkaas ka dambeeyay.

Dhibaatadan soo noqnoqotay ee ka jirta Galbeedka Gobolka Sitti ee DDS ayaana wali xal rasmi ah laga gaarin, iyadoo marwalba uu meeshaas ku baaba’ayo shacab aan wax dambi ah galin.

Degaanka intiisa kale ayaa sidanoo kale banaanbuxu uga socday galinkii hore ee maanta.

Dhinaca kale Shacabka ku dhaqan magaalada Diridhabe ayaa maanta isugu soo baxay barxadda wayn ee Lagaharka banaanbax ay kaga soo horjeedaan dilkii loogaystay shacabkii ku dhaqnaa Garbaciise.

Dadka isu soo baxay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay cadho badan iyo murugo ay ka murugoonayeen xasuuqii ay Canfartu ku laysay dadkii birmagaydada ahaa ee degganaa magaalada Garbaciise.

Dhulka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa ah mid khilaafkiisu uu wakhti dheer Soo jiitamayay, waxaana marwalba dhibaato laxaad leh kasoo gaartaa shacabka deggan dhulka la isku haysto

COMMENTS
LINKS