WAJAALE NEWS

Dablay Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Afduubtay Gobolka Sool

LAASCANOOD(W,N)-Dablay hubaysan oo ay isku Deegaan yihiin afhayeenka Beelaha Daarood C/Kariin Cali Nuur ayaa deegaanka Carooley ka af duubatay dad ka soo jeeda hayb ahaan Berbera iyo Burco.

Dadkan oo safar kaga yimid beeraha Xalin ee Degmada Taleex ayaa xalay Saqdii dhexe ay dableydani ka afduubteen halkaasi .

Arintan ayaa loo aanaynayaa in ay xidhiidh la leedahay xadhigga Afhayeenka Beelaha Daarood oo muddo bil ah ku xidhan magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Exit mobile version