Cabdimaalik Coldoon, Ma Afhayeenka Guddida Wanaag-farista Somaliland-baa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabdimaalik Coldoon, Ma Afhayeenka Guddida Wanaag-farista Somaliland-baa?
August 8, 2021 - Written by Editor:

In wanaagga la isfaro, xumaantana la iska reebo waa waxaynu Ummad ahaan u abuuran nahay, laakiin Diinteena Islaamku waxay jidaysey in Hab Asluub ah dadka lagu gaadhsiiyo Farriinta Wanaagan.

Arrintan, waxaan ku xasuustay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Burco ku qabtay Shir-saxaafadeed, ayaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ku eedeeyay inuu Guddiga Wanaag-farista ku Qasbay inay ka noqdaan Warqad ay khamiistii u qaybiyeen Imaammada Masaajiidda Hargeysa, si ay u eedeeyaan Xarunta dhaqanka ee Hargeisa.

Waxaan iswaydiiyey, Goorma ayuu Cabdimaalik noqday Afhayeenka Guddida Wanaag-farista ? Iyo Cidda u dirsatay Inuu Guddiga ka difaaco, wax aanay iyaguba bulshada la wadaagin.

Aan ku daree, Shirka jaraa’id ee Cabdimaalik  wuxuu i geliyey shaki ah inay jirto cid qarsoon oo Cabdimaalik ku riixaysa inuu arrintan si furan ugaga hadlo Warbaahinta, isagoo markii hore eedaha uu u jeediyo xarunta dhaqanku ku koobnaa Barahiisa bulshada.

Ugu dambayn, Cabdimaalik hadduu wanaag wado, Qofna kama hor-iman karo, Haddiise uu Eed u joog noqdo arrintu waxay yeelanaysaa sawir ka duwan ka dhabta ah, sidaasi darteed waxaan soo jeedinayaa inaan arrinta la dhaafin halka ay joogto.

War jiraaba Cakaaruu Iman.

QALINKII; CABDIQAADIR CARAB

COMMENTS
LINKS