“Dawladnimadu Maaha Hayb Ku Dirir, Hanti Urursi Iyo Humaag Been Ah Oo Umada Lagu Hago”Mohamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dawladnimadu Maaha Hayb Ku Dirir, Hanti Urursi Iyo Humaag Been Ah Oo Umada Lagu Hago”Mohamed Dhimbiil.
August 19, 2021 - Written by Editor:

Dawladnimadu waa hab is-maamul iyo kala dambayn leh oo ay umadi sameysato kaasi oo leh qorsheyaal , sharciyo ,siyaasado hagis iyo maamul kala sareeya , dawladnimada qaababka aduunka ka shaqeeyaa way badan yihiin waanay kala duwan yihiin laakiin nuxurkeegu waa intan.

Dawladnimada waxa ugu weyn ee ay ahayd in lagu guuleysto ama la qabtaa marka aynu ka hadlayno Somaliland waxa ay ahayd in qofku garan karo macnaha ay leedahay, danta iyo faaiidada ugu jirta , iyo in uu isagu leedahay.

Hadii aad magaca dawlad maqasho qofka ugu sareeya ilaa qofka ugu hooseeyaa waa in ay yihiin diraneyaal iyo adeegayaal umadeed oo dalkooga iyo dadkooga ka haqabtira baahiyaha iyo adeegyada bulsho.

Waxa ay dawladnimadu kaga duwan tahay shaqooyinka kale oo dhan ee dadku gaar gaarka u kala leeyihiin waa intan , waxaana ay ku shaqeysaa oo ugu muhiimsan.

1- Kalsooni iyo aaminaad ( Trust and Credibility ).

2- Awood iyo dhaqaale ( Finance and Power )

Sidan ay u kala horeeyaan ayey dawladnimadana ugu kala muhiimsan yihiin oo dawladu hadii aanay dadkeega Kalsooni ka haysan waxba ma qaban karto , shaqada ugu horeysaa waa in ay noqotaa dhisida kalsoonida iyo aaminaada shacabku ku qabaan dawlada.

Hawsha labaad na waa in ay awood maamul iyo kala dambayn dhisto dadkeegana uga raadiso dhaqaale lagu maamulo dhismahaa iyo haykalkaasi dawladnimo ee la dhisay oo ay shacabkeega ka hesho xoog dhaqaale iyo taageero dhinac walba ah.

MAANTA IYO WAAYAHA JIRA ;

Waxa aad moodaa in dawladnimada aynu u fahanay amaba ay inagaga sifowday  , Hayb ku dirir , Hanti urursi , iyo in umada loo sawiro humaag been ah .

Dawladnimada inoo dhisan dadka jamhuuriyada Somaliland ayaa dhistay oo geed hoostii ku soo heshiiyey 1991kii waxaana ay maraysaa 2021 maanta oo 30 sanadood ayey baarka ka jartay.

Ma dafirsanin in intaasi wax uun la waday oo dedaal dheer oo laga soo bilaabay dadka oo wada hubaysan ilaa la soo gaadhsiiyey in dadku iyagu codkooda ku soo xulaan oo doortaan masuuliyiintii ay ugu talo galeen in ay u adeegaan mudo 5 sanadood ah , ha yeeshee waxa aan qabaa in laga gaabiyey;

1;In hab fekerka iyo sida dadku u arkaan dawladnimada aan lagu guuleysan in wax laga badelo oo qofku kaliya uu dawladnimada ka yaqaano in ay nabadiisa ilaaliso , nabadaasi oo aan si dhab ah xataa faham looga haysan.

2;In ay dhisaan kalsoonida , aaminada iyo jacaylka dadku dawladnimada ku qabaan oo lagu kasbado adeegyo bulsho oo hagar la’aan ah .

Halkani ayey qabyada koowaad inagaga jirtaa iyo qalooca aynu dawladnimada sida qaldan u fahamsanahay ee ah ay ka mid yihiin ,hayb ku dagaalan, helis dhaqaale deg deg ah , helis awood aad ku muquuniso inta kale iyo cidwaliba oo kaaga duwan fekerka iyo aragtida .

XALKA IYO MUSTAQBALKEENA DAWLADNIMADO

Rejada iyo halka aynu marayno lagama dayrin karo , laakiin waxa aynu u baahanahay in aynu horumarino oo halka aynu taaganahay hore uga dhaqaajino dadkeena u bisleyno dawladnimada dhabta ahi waxa ay tahay si qofwaliba uu u galo jacaylka iyo ilaashiga dalkiisu una arko dawladnimada dantiisa .

In guud ahaan ay u fahmaan madaxda dawlada iyo adeegayashaasha qaranka ee kala duwani in ay yihiin diraneyaal umadeed , waliba dad burbur , qax iyo dhibaatooyin soo maray oo raba in lagu soo celiyo aaminkii dawladnimada lana dhiso kalsoonida maamulka dawladnimo iyo dadka u dhaxeysa oo ah biriijka jiritaanka dawladnimada.

Waxa jirtay barnaamijyo la isku dayay hadii aan dhanka niyadsamida ka eegno in dadka jamhuuriyada Somaliland barnaamijyo waddaniyad , shaqo qaran iyo iskaa wax u qabso ah loo abaabulayo oo buug qoran iyo ficilo wanaagsan ba la soo bandhigey, ma xuma hadii aan ujeedo siyaasadeed laga lahayn sidii kacaanka,

laakiin waxa aan qabaa in aanay halkani ahayn halka laga bilaabayo wadaniyada dhismaha dalka iyo jacaylkiisa ee ay ka horeeyaan qodobada aan kor ku soo xusnay oo ah seeska dawladnimada.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS