Dildilaacii Ozone-ka Iyo War-warkii Madaxweynaha…!!W/Q;Ibrahim Suldaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dildilaacii Ozone-ka Iyo War-warkii Madaxweynaha…!!W/Q;Ibrahim Suldaan.
August 26, 2021 - Written by Editor:

Anigo koob shaaha oo in yar ka hor uun la ii keenay fiikisaya, Ayuu si kedis ah noogu soo baydhay isaga oo werwer iyo Murugo badani ka muuqato, asxaab badan oo siyaasiyiin iyo Ganacsataba iskugu jirtay oo goobta aanu ku wada Shaahaynaynay ayaa markiiba sare joogsaday oo salaan sharaf Badani ka muuqato la tiigsaday, Haa! Madaxweyne salaamu Calaykum, oo waa kaligaaye,  maanta maad jimicsanaysaa?, sidii dhiggeeda ahayd ugama jawaabin salaantaas sare joogsiga wadatay, taas bedelkeedana wuxuu dusha ku jawaabay salaan canaan badan wadata.

Anigoo markaa koobkaygii shaaha ahaa intii ugu dambaysay Isku sii qulaaminaya, ayaan si kaftan dhabbeed ah u idhi, Madaxweyne ololihii doorashadii hore ayaa noogu kaa Dambaysay,  oo waadigii albaabada xidhee maanta ma danbaa na soo gashay, waa maxay gurxankan iyo guuxan kaa baxayaa?

Madaxweynuhu iimaba jawaabine mid baas oo xildhibaan ah oo Aanu isku reer ahayn oo goobta marka hore nagu sii haasaawinayay ayaa afka i goostay: waar madaxweynaha si fiican ula hadal. Nin dan leh uunbaan u qaatay oo hadalka xildhibaanka kumaba sii mashquulin.

Dhamaantayo waxaan garowsanay dareenka madaxweynaha iyo war warka ka muuqda in aanu caadi ahayn, isna nagumaba simin su’aale wuxuu markiiba nala wadaagay dareenkiisii iyo warkii dhiilada lahaa ee dhabankiisaba ka muuqday.

Nimanyohow aqoon yahankii iyo indheer garadkii wadankaad tihiin, aduunkiina wuu sii xumaanayaa oo masiibooyin is dabayaal ayaa inagu dhacaya maalin walba, waqtigiiniina sheeko iyo shaah ayaad ku lumiseen, in nolosheenii halis ku jirtana ma dhaadanidin.

Aan idiin waramo’e waxaa saaka qaramada midoobay iyo dawladaha aan saxbika nahay igasoo gaadhay war aan sugnayn oo sheegay in masiibo dabiici ahi inagu soo fool leedahay, bilowgeediina uu imikaba jiro, ayna adag tahay in laga hor tago. Warkii saaka maanu shu’aysan oo sidii caadada ahayd waxaanu hoosta ka nidhi ma ilaahaybay wax la og yihiin.

Laakiin markii aan qadaynay, waxaa airportka soo fadhiistay diyaarad siday gudi saynisyahano ah oo ilaa in mudo ahba geeska africa cilmi baadhisyo cimilada iyo is bedelkeeda la xidhiidha ka waday, waxaana la’iga soo wacay xafiisa African Union-ka waxaana la ii sheegay inaan culimadaa Sayniska si dhaqso ah ulo kulmo, fariintoodana dhagayso, xaqiiqooyinka ay sidaana daawado.

Kulankii imikaan ka soo baxay, waxaa ii soo baxday dhamaadkii umadeena in la gaadhay, dhamaadkii duniduna uu bilow yahay, halka ay masiibadu ka bilaabmaysaana waa halkan. Ismaynaan ogaynbee, way bilaaban tahay, oo hadaba way socotaa.

Anigoo dhagta taagaya, waxan Madaxweynuhu sheegayana la argagaxsan, ayaa lasoo hinqaday madaxweyne ma roobab iyo dabaylo ayaa inagu soo socda, sibaad ayaad hadalka u guud maraysaaye,  bal wax noo sheeg!. Kii baasaa ee xildhibaanka ahaa ayaa sidiisii igu soo booday kuye, Ibrahim waad dagdagaysaaye warka ka sug madaxweynaha.

Culimada saaka waxay ila wadaageen maxsuulkii cilmi baadhistii ay wadeen 20kii sano ee u dambeeyay iyo halka xaal maanta marayo, waxay i daawadsiiyeen fiidyowyo ay ka duubeen dhibka jira iyo baaxada uu leeyahay, waxaanay ii keeneen qalab lagu daawan karo ama lagu arki karo dhibka jiraa nooca uu yahay.

Saynis yahanadu waxay ii sheegeen in OZONE-kii falaadhaha cadceeda iyo shucaaceeda inaga ilaalinayay uu daloolo waawayn yeeshay, isla markaana ay Falaadhaha cadceedu soo ganaysaa ay si toos ah dhulka ugu soo dhacayaan iyagoo xambaarsan kulayl 5000 °C ka badan taas oo meesha ka saaraysa in noole dambe ka dhaqdhaqaaqo meeshay ay falaadhahaasi ku soo dhacaan. Dhibka ugu wayna waxaa weeyi in doloolkaasi uu ku soo aadan yahay xeebaha woqooyi ee dhulka Somaliland maanta la yidhaa.

Dunidu way ogayd doloolka OZONE ka iyo sida uu u koroyo, laakiin horaantii wiigii ina dhaafaya ayay dunidu ku waa bariisatay wax aanay waligood filayn horena u saadaalin. Waxay mar kaliya arkeen Daldalooladii yaryaraa ee OZONE ka oo mar kaliya si xowli ah u fidaya, qaarkoodna isku darsameen oo sameeynayaan daldaloolo waawayn oo gaysan kara masiibooyin dunida noolaha oo dhan ka dabar jara.

Daloolka ugu wayn maanta waxuu ku beegan yahay dhulkeena, waxaanu toos u soo daynayaa dhamaan kulaylkii cadceeda iyo shucaacyo (radiotions) kale oo iyaguna dhalan rog ku keenaya dad iyo duunyo waxay la kulmaan.

Haa, aniguba saaka sidiinan oo kale ayaan ula wareeray warkan dhiilada leh, waxaanan ka dalbaday inay xaqiiqo filim iyo fiidyow dhaafsiisan i tusaan, oo aan idhahayga ku arko waxan ay sheegayaan.

Hadiyadii la i gudoonsiiyay ayaa ahayd qalabkan dhamayska tiran oo aan imikaba ku arki karo, indhahaa la ii galiya, waxaan arkay sida waxan ay sheegayaan ay u yihiin xaqiiq aan la dafiri karin. Waxaan arkay in ay jiraan daldaloolo koraya oo samaawaadka ku teedsan isla markaan soo daynaya falaadhihii cadceeda oo sidoo dii ah.

Mar dhawayd waxaa ii soo dhacday fariin sheegaysay in qaybo ka mid ah xeebta woqooyi ay hadaba ay falaadhaha cadceedu toos u hayaan oo heerkulka dhulkaasi dhaafay intii nooluhu ku noolaan jiray, warbixino aan la hubin ayaa sheegaya in dad ay ku leedeen dad badana ka baro kaceen deegaanadii xeebta woqooyi iyo barigaba ku teedsanaa.

Waxaa kale oo la sheegay dhamaan diyaaradaha mara hawadeenu inay dhib kala kulmeen falaadhaahaas cadceeda ee sida tooska ah ugu dhacaya diyaarada oogadooda sare, waxaanay kala kulmeen dhaawacyo, markii dambe la ogaaday in dhibku ahaa falaadhahaa cadceeda.

Hadda daldalolada Ozone-ku waa yar yar yihiin, laakiin xawli kii la ogaa ka badan ayay ku korayaan, taasina waxay suuro galin kartaa in ay falaadho cadceedeed oo kulayl badan xambaarsani ay dhulkeena ku soo dhacaan.

Sida cilmi baadhayaashu saaka ii sheegeen mudo bil gudeheed ah waxaa laga yaabaa inay daldalooladaasi waawaynaadaan, hadii ay taasi dhacdana dhamaan duulimaadyada hawadeena mara waa la joogjin, maraakiibta badaheena imanaysa waa la joogjin, waxaynu gali doonaa go’doon, mudo kooban hadii ay sidaas ku sii socotana, kulaylku wuxuu wada gaadhi doonaa wadankoo dhan, taas oo sahayan doonta dhamaan noolaha ku nool deegaanadeena oo dhan ilaa cidii ilaahay ka badbaadiyo mooyee.

Biyaha baduhu way kululaan, intooda badan way uumi bixi, noolaha ku jirana qaar badana way haajiri, qaarkoodna way dhiman. Buuraha iyo banaanada  iyo kaymuhuba way guban, ilaa wax kastaana waxay isku badali doonaan dab iyo dambas.

Waxaa la gaadhay xiligii uu dabargu’lahaa cunsurkii iyo tafiirtii dadka reer Somaliland, dunida kalena wax badan inaga dambayn mayso ayay ila tahay ayuu madaxweynuhu warkii uga baxay.

Anigoo indhaha baas ee xildhibaankana iska eegaya ayaan la soo boodnay Madaxweyne maxaynu qaban karnaa hadda, wuxuu si kooban u yidhi TALO-FARO KA HAADAY. Dawladihii awooda lahaaba waxay qorshaynayaan inay dhamaan dhulka iskaga guuraan oo dayaxa iyo meereyaasha kaleba nolol dadkooda uga raadiyaan.

Wuxuu qoorta iyo indhaha ii galiyay qalabkii saaka loo keenay ee lagu eegayay sida uu Ozon-ku u dildilaacay iyo khatarta kasoo fool leh, waxaan si fiican indhahayga ugu arkay muuqaalo argagax ku galinaya, si fududna kuu fahamsiinaya masiibada samaawaadka ka soo socota. Marka aad waxaa aragtana waxaad garowsanaysaa inuu dhamaaday waqtigii noolaha aduunka guudkiisa ku uunnaa.

Intii uu Madaxweynuhu warbixintan dhiilada leh nala wadaagayay, waxaa iska soo dabo dhacayay fariimo  is daba joog ah arintan la xidhiidha, mid ka mid ah oo uu madaxweynuhu nala wadaagay waxay ahayd in dhacdadan oo kale labo gooboog oo kale oo dunida ka mid ah laga soo wariyay, gaar ahaan woqooyiga aduunka waxaa ku beegnaa daloolo si gaar ah u saamaynaya.

Madaxweynihii isaga oo Ashahaadanaya oo kor u hadlaya, talona ku ciirtay ayuu nagu yidhi, ilaahaybaynu kaashanaynaa towbadana ha la ogaado, war wixii soo kordhana waan wadaagaynaa.

Waxaa qalbigayga gilgilay warwar iyo walaac aanan hore u qabin, wax aan ku fekeray maxaad samaysaa, ma dhooftaa oo wadan kale ma tagtaa, hadana waxaa ii soo baxday in ay ay masiibadu meel walba saamaynayso.

Anigoo murugtaa la il daran ayaan goostay in inta yar ee nolosha iiga hadhay aan ku qaato masaajidka iyo cibaadada alaah oo aan aniga oo dikrinaya, waqtigu noo yimaado, waxaan go’aansaday inaan imikaba aado masaajidka iigu dhow, talaabadii koowaad ee aan u qaaday xaga masaajidka ayaa waxaa markiiba is qabsaday holac iyo qarax xaga sare ka imanaya, dhamaantayo waxaan isku darnay qaylo iyo sawaxan, anigoo qaylinaya, ilaahayna baryaya….

Waxay iga taabatay garabka bidix, Ibrahim…. Ibrahim maxaa ku helay, caawa dhan gurxan iyo guuxbaa kaa baxaya, hadana qaylaad kaga wadhee… Al-xamdulilaah ayaan kor iyo hoosba u idhi, waxaan ku farxay inay waxaas oo dhan #RIYO #AHAYD #OO #AANAY #RUN #AHAYN…

Qalinkii ;Ibrahim Suldan Cabdiraxmaan.

 

COMMENTS
LINKS