Xogo Musuq-maasuq Oo Iftiimiyey Tirada Masuuliyiin Lagu Helay Oo Qaar kamid Ah Madaxweyne Biixi Sababtaasi Uga Qaaday Xilalkii Ay Hayeen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Musuq-maasuq Oo Iftiimiyey Tirada Masuuliyiin Lagu Helay Oo Qaar kamid Ah Madaxweyne Biixi Sababtaasi Uga Qaaday Xilalkii Ay Hayeen!
September 17, 2021 - Written by Editor:

Hargeisa(W,N):-Xogo musuq-maasuq oo ay heshay shabakada Wajaalenews ayaa daboolka ka qaaday falal musuq-maasuq oo Ay ku kaceen xubno kamida Ahaa wasiiradii dhawaan uu xilka ka qaaday madaxweynaha jamhuuriyada somaliland muuse cabdi oo isugu jira heer wasiir ilaa agaasime waaxeedyo xilal kala duwan ka haya qaar kamida wasaaradaha dalka.

Xubnaha Wasiirada ah ee ay sahayatay seefta musuq-maasuq Ee madaxweyne biixi xal u arkay in Uu xilka uga qaado ayaa waxaa kamid ah wasiirkii Hore ee Wasaarada Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed iyo Wasiirkii hore ee biyaha  Maxamed Muuse diiriye, halka wasiirkii horumarka jidadka somaliland cabdilaahi abokor ay xogahani sheegeen in lagu helay inuu ku kacay Arimo Maamulmo xumo  la xidhiidha dhinaca hay’ada wadooyinka jsl mudadii ay baneeyeen madaxdii wasaaradaasi oo gudoomiyihii ku xigeenkii iyo agaasimihii maamulka iyo lacagtuba isku sharaxeen doorashadii golayaasha ee dalka ka dhacday sidaana ay ku baneeyeen shaqadii ay qaranka u hayeen.

Xogtan Ayaa Sheegtay in baadhitaano bilihii ina soo dhaafay uu hantidhawrka guud ee qaranku ka bilaabay badi wasaaradaha dalka lagu ogaaday in Labadaa wasaaradood ee biyaha iyo wasaarada beeraha somaliland ay masuuliyiintii ugu sareysay si qaldan u maamuleen lacago deeqo hay’ado shisheeye soo gaadhsiiyeen wasaaradahaasi.

Wasiirka hore ee Wasaarada beeraha jsl ayaa la sheegay in xadiga lacagta ku maqani ay aad u badan tahay islamarkaana ay yihiin lacagahaasi kuwo wasaarada kasoo gaadhay hay’adaha xidhiidho shaqo la leh ka caawiya dhinacyada beeraha iyo gaadiidka, waxaana baddi lacagaasi ku dheceen akoowno gaar ah oo wasiirkii hore beeraha somalildna Axmed muumin seed uu ka sameysay baananka primeir bank iyo dahabshiil bank, halkaa ilaa saddex kamid ah agaasime waaxeedyada wasaaradaasi ay ku saxeexnaayeeen qaybo kamid ah lacagahaa la musuq-maasuqay, qaar kamid ahina isku dhaafiyeen oo sheegeen in lacagahaasi ay ku bixiyeen amarka wasiir oo ay gacanta u gashay wasiir Axmed muumin seed.

Sidoo kale Wasiirkii Wasaarada biyaha jsl Maxamed Muuse diiriye ayaa isagana  sida xogahan aanu helnay sheegayaan lagu helay mashaariico kala duwan oo ay ka heleen hay’ado oo cid gaara loo gacan galiyey iyo qaabka loo maamulay dhaqaalaha deeqda ee ka madax banaan miisaaniyada wasaarada, taas oo marwalba ahayd arrinta ay inta badan isku khilaafaan wasiirka wasaarada iyo agaasimeyaasha loo soo magacaabaa.

Si kastaba ha ahaatee Xogahan ayaa Tibaaxay in Xil ka qaadista xubnahaasi iyo bedelka wasiir C,laahi abokor ay ku lug lahaayeen sababna u ahaayeen falalkaa musuq maasuq.

Wali ma Cadda talaabada laga qaadayo shaqaalihii ka hooseeyey masuuliyiintan la eryey ama la bedelay ee iyagana lagu hayo inay qayb ka ahaayeen saxeexna ku lahaayeen lunsiga lacagahaasi.

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane muuse biixi Cabdi ayaa intii uu xilka hayey Xukuumadiisu si aad ah ay baadhitaan xoogan u dulsaartay Wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada, balse natiijada kasoo baxda baadhisahaasi ma noqoto mid raga ku kacay falalkaasi loo horgeeyo Maxkamad islamarkaana lagu xukumo xatooyada ay ku kaceen,

Dhanka kale madaxeyne biixi ayaa sida aanu xogahan ku helnay ay sheegeen in uu ka door biday masuuliyiintan in lagu maxkamadeeyo xoolaha umada ay ee ay lunsadeen In uu xilka ka qaado xubnaha lagu helo falalkaasi, iyadoo hore ay u dhacday in masuuliyiin hore oo ay kamid ahaayeen wasiiradii iyo agaasimeyaashii wasaaradaha warfaafinta iyo gaashaadhiga lagu helay falal musuq xilkiina looga qaaday ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay qaaar kamid ah agaasimeyaashaa lagu helay musuqa. nasiib darro culeys madaxweyne biixi ay ku saareen beelaha ay masuuliyiintaasi kasoo jeedeen ayaa waxaa aakhirkii lagu siidaayey damaanad ilaa haddana ma jirto halka ay ku danbeeyeen.

Sidaasi lamid ah sannad ka hor koox agaasimeyaal maamulka iyo lacagta ah oo ka shaqeeya wasaaradaha kala duwan oo sida oo kale loogu helay falal musuq-maasuq, waxaa talaabadii laga qaaday noqotay in xilalkii ay hayeen qaar kamid ah laysku bedbedelo halka mid iyo labana shaqada laga caydhiyey.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS