Dawlada Suudaan Oo Ka Hadashay Afganbi Dhicisoobay Oo Ka Dhacay Dalkeeda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Suudaan Oo Ka Hadashay Afganbi Dhicisoobay Oo Ka Dhacay Dalkeeda!
September 21, 2021 - Written by Editor:

SUDAN(W,N)-Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay ka badbaaday barqanimadii maanta isku day lagu doonayay in lagu afgambiyo, kaaso dhicisoobay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda dalka Suudaan ayaa sheegay in ciidamo aan tiradooda la sheegin oo ka tirsan ciidanka gaashaaman ay ka dambeeyeen isku daygaas oo ay isku dayeen in ay la wareegaan dhowr xarumood oo dowladda ah, balse ay ku hakadeen waddooyinkii ay ku socdeen.

Wakaaladda Wararka ee dalka Suudaan ayaa barteeda twitter -ka ku soo qortay in masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada iyo golaha wasiirada dalka ay sheegeen in laamaha amaanka iyo ciidamada Militariga dalka ay ka hortageen qorshaha iskudayga afgambi ee dhicisoobay barqanimadii maanta.

War qoraal ah oo uu bartiisa Facebook kusoo qoray Afhayeenka Golaha KMG ee haya talada dalkaasi Suudaan ayaa ugu baaqay shacabka reer Suudaan iney isku soo baxaan si ay u difaacaan dowladda dalka Suudaan.

COMMENTS
LINKS