Guusha Iyo Guuldarada Xisbi Qaran Waxa Laga Saadaaliyaa Shirweynaha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guusha Iyo Guuldarada Xisbi Qaran Waxa Laga Saadaaliyaa Shirweynaha!
October 1, 2021 - Written by Editor:

Guusha ama Guuldarada xisbi siyaasadeed waxa laga sii saadaaliyaa shirweynaha xisbigu uu qabsado , bishii Oct 4 ilaa 6 sanadkii 2020 waxaa magaalada Hargeisa lagu qabtay shirweynaha xisbiga talada haya ee Kulmiye , 07 Oct ayaa wareysi uu iga qaaday televisionka bulsho TV aan ku sheegay in xisbigaasi Shirweynihiisii si aan haboonayn loo maamulay , oo doonista madaxweynaha lagu saleeyey waxii umadu wada lahayd iyo xisbigii dhamaa ee qaranka.

Natiijadii shirweynaha xisbiga kulmiye waxa uu si wanaagsan u helay doorashadii isku sidkanayd 31-05-2021 dalka ka dhacday oo lagaga guuleystay, qaabka shirweynaha loo maamulay waxa uu la mid ahaa sidii Shirweynihii xisbiga Udub ee 2009 loo maamulay kaasi oo keenay in xisbigaasi burburo.

Bisha aynu ku jirno dabayaaqadeeda waxa la filayaa in qabsoomo shirweynaha xisbiga waddani oo ah xisbiga mucaaridka ah ee ugu taageero badan dalka ilaa hadda , laakiin guushiisa hogaanka dalku waxa ay ku xidhan tahay sida xisbigaasi uga dabaasho shirweynaha ee loo maamulo , waa xili adag iyo xaalad adag .

Somaliland waxa ay ku jirtaa xili ay siyaasadaha gobolka iyo kuwa aduunkaba isbadelo xoogani ku yimaadeen , oo aan guud ahaan gobolka ay ku taalaana aanu aheyn mid siyaasiyan u xasiloon , waxa uun lagaga gudbi karaa xaaladaha iyo xiligani lagu jiro hogaamin adag oo wadata hab feker diblomasiyadeed casri ah oo danta Somaliland lagala soo dhex baxo danaha siyaasadeed iyo hirdanada gudaha iyo dibadaba leh ee gobolka ku waajahan.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS