Wasaarada Maaliyada Jsl Oo Kastamka Kalabaydh Gaysay Miisaan Shaqo Tiraya In Ka Badan 30 Qof Oo Shaqaalaha Ka Hawl Gali Jiray Kastamka Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Maaliyada Jsl Oo Kastamka Kalabaydh Gaysay Miisaan Shaqo Tiraya In Ka Badan 30 Qof Oo Shaqaalaha Ka Hawl Gali Jiray Kastamka Ah.
October 15, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Wasaarada Maaliyada Somaliland Ayaa maalintii Shalay Kastamka Kalabaydh Ee Gobolka Gabiley gaystay Miisaan loogu talo galay in lagu Cashuuro qaadka kaasi oo Miisaankan Ay gaadiidka qaadka sidaa ay dulmarayaan iyaga oo Aan laga dajinin qaadkii saarnaa, kaasi oo ay keentay shirkad Gaar loo leeyahay ee Sahal oo la shaqaysa wsaarada maaliyada Somaliland.

Sidoo kale Miisaanka ay wasaarada maaliyadu gaystay Kastamka kalabaydh ayaa shaqo tiraya in ka badan 30qof oo dadka deegaanka kalabaydh ah oo ka shaqaysan jiray kastamka kuwaasi oo ah xamaaliinta qaadka, kalana soo bixi jiray nolol maalmeedkooda.

Dhanka kale Wasaarada maaliyada Ayaan keenin wax qorshe ah oo dadkani ka shaqayn jiray kastamka kalabaydh loogu badalayo shaqadii ay hayeen, wallow masuuliyiin wasaarada ka socday oo shalay tagay kastamku ay  ku wargaliyeen shaqaalahan xamaalinta ahaa  in la siin doono dhaqaalihii ay ka heli jireen xamaalista qaadka, kaasi oo aanay cadaynin sida loo siinayo iyo cida siinaysa balse kaliya umuuqata mid ay ku dajinayaa shaqaalaha xamaaliinta ah oo iyagu meesha ka baxaya,arintan ayaa magaalada kalabaydh ka abuurtay guux iyo areeno laga cabsi qabo in ay ka dhashan talaabooyin ay ku diidan yihiin arintan wasaarada maaliyadu ka hirgalinayso kalabaydh ee shaqo tiraysa dadka deegaanka,

Bulshada  degan magaalada kalabaydh ee uu ku yaalo kastamka ugu wayn dalku islamarkaana ay kasoo xarooto dhaqaale malaayiin dollar ahi ayaan marka horeba waxba ku qabin kastamka marka laga reebo dadkan ka shaqaysan jiray Xamaalista qaadka iyadoo xukuumadu waxba ku soo celin Dhaqaalaha intaasi lee leeg ee kazoo baxa, halka uu deegaanka Kalabaydh gabi ahaanba ka aradan yahay baahiyaha aas aasiga ah kuwaasi oo xukuumada madaxwayne biixi ugu dartay in meesha laga saaro shaqaalihii deegaanka ee ka shaqaysan jiray xamaalista qaadka

Miisaankan ay wasaarada maaliyadu dhigtay kastamka kabaydh ayaa waxaa hore usoo diiday shaqaalaha ka hawl gala kastamka Abaarso iyo bulshada ku dhaqan iyo sidoo kale maamulka kastamka wajaale oo iyagu wasaarada usheegay in miisaankani meesha ka saarayo shaqaale tiro badan oo reer wajaale ismarkaana aanay xiligan suurto gal ahayn in la dhigo kastamka wajaale.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

COMMENTS
LINKS