Nin Soomaali Ah Oo Loo Haysto Dilka Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin Soomaali Ah Oo Loo Haysto Dilka Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska
October 16, 2021 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Nin ku hubeysan mindi oo ku dilay shalay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa la sheegay inuu yahay muwaadin asalkiisu yahay Soomaali balse haysta dhalashada Ingiriiska.

Sida ay daabaceen qaar ka mid ah wargeysyada Britain ninka dilka ka dambeeyay oo aan la shaacin magaciisa ayaa la sheegay inuu yahay 25 jir.

Sir David Amess oo ahaa xildhibaanka Southend West ee Essex, ayaa lagu dhex dilay Jimcihii kaniisadda Belfairs Methodist ee Leigh-on-Sea, waxaana la xidhay nin British ah oo asalkiisu Soomaali yahay oo looga shakisan yahay dil.

Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa isku dayay muddo laba saacadood ah si ay u badbaadiyaan 69-jirka oo ah aabbe-shan-carruur ah, laakiin wuxuu u dhintay dhaawacyadii ka soo gaadhay mindidii lagu dhuftay.

Booliiska Essex ayaa sheegay in la xidhay nin 25 jir ah, askartuna ayna raadineynin qof kale oo ku lug leh dhacdada.

Ben-Julian Harrington, Taliyaha Booliiska Essex ayaa sheegay inay baadhayaan in dhacdadan ay xidhiidh la leedahay fal argagaxiso.

COMMENTS
LINKS