Wasiirka Qorshaynta Oo Xilkii Ukala Wareejiyay Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Iyo Agaasimihii Hore! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Qorshaynta Oo Xilkii Ukala Wareejiyay Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Iyo Agaasimihii Hore!
October 17, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland Ayaa xilkii ukala wareejiyay Agaasimaha cusub ee wasaarada Iyo Agaasimihii hore Ee wasaarada qorshaynta oo madaxwaynaha jsl wasaarad kale ubadalay.

Xaflada xil wareejisan ee agaasimaha guud ee wasaarad qorshaynta Axmedyaasiin Muxumed Xasan (Axmedyasiin muxumed cade) ayaa waxaa hadalo ka jeediyay wasiirka wasarada,wasiir kuxigeenka wasaarada, xildhibaano iyo masuuliyiin ka socday haayadaha la shaqeeya wasaarada qorshaynta jsl.

Sidoo kale waxaa munaasibada xil wareejinta hadalo ka jeediyay agaasimaha cusub ee wasaarad qorshaynta iyo Agaasimihii hore ee wasaarada oo ka waramay waxyaabihii wasaarada uqabsoomay mudadii uu xilka agaasimaha hayay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS