Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Itoobiya Iyo Madax Ka Socotay DDSI Oo Kusoo Dhaweeyay Magaalo Xuduudeedka Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Itoobiya Iyo Madax Ka Socotay DDSI Oo Kusoo Dhaweeyay Magaalo Xuduudeedka Wajaale.
October 17, 2021 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Madaxwayne kuxigeenka Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta safar ugu anba baxay dalka itoobiya iyagoo kasii gudbay xuduudka labada dal ee wajaale, kadib markii uu casuumad ka helay madaxwaynaha ddsi, halkaasi oo dhinaca itoobiya ee magaalada  wajaale ay kusoo dhaweeyeen madax ka socota dawlad deegaanka somalida.

Madaxwaynaha kuxigeenka Somaliland ayaa magaalo madaxda ismaamulka somalida ee jig jiga kaga qaybgali doona xaflada caleemo saarka madaxwaynaha DDSI Mustafe muxumed cumar (mustafe Cagjar) oo lagu qaban doona magaalada jig jiga.

Madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida ayaa dib loo doortay kadib doorashadii dalka ka dhacday isgoo hore xilka madaxwaynaha ku hayay ku meel gaadh balse hada la doortay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS