“Xuska 17ka October Uma Qalanto In La Waydeeyo, Sida Ilaa Hadda Xaalku Yahay”Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xuska 17ka October Uma Qalanto In La Waydeeyo, Sida Ilaa Hadda Xaalku Yahay”Muj Cali Guray
October 17, 2021 - Written by Editor:

“17kii October 1984kii Waa Maalintii Uu Dhacay Dagaalkii Burco Duuray. Aniga Xagayga uma qalanto in Xuskeeda la waydeeyo ee in la wayneeyo ayay mudan Tahay. Waayo Waxay Ahayd Maalin Gaar ah Oo Maalin La Mid Ahayd Aanay Gebi Ahaanba Soo Marin SNM”Cali Guray

Runtii 17ka October waa maalin xusid gaar ah mudan. Ha Yeeshee marka la xusayo waxa fiicnaan lahayd In sida hadda loo Xuso wax badan laga bedelo. Way fiicnaan lahayd hadii intii ku shihiiday maalintaa magacyadooda lagu xardho posters Waawayn weliba inta la heli karo sawiradoodana la isugu geeyo Oo madasha gudaheeda ee fagaarayaasha lagu arko. Waxa kale oo iyaduna fiicnaan lahayd inta ka nool ka-qaybgalayaashii Dagaalkii Burco Duuray (survivors of Burco Duuray) oo aan filayo tiro ahaan in aanay badnayn qiyaatayda 60 ilaa 80 mujaahid in maalinta xuska si gaar ah loogu martiqaado munaasibadda iyagoo dirayskii maalintaa ay ku lebisnaayeen iyo bilado ama astaan gaar ahna loo xidhan meel gaar ahna la soo fadhiisiyo si ay uga soocnaadaan dadka kale oo looga garan karo, iyaga oo weliba guutadoodii Sayid Cali inta ka noolina ay gelbinayaan oo hareeraha ka fadhiyaan.

Dadka munaasibadda ka hadlaya waxa haboonaan lahayd in mid iyo laba horjoogayaasii, hadii ay cidi ka nooshahay, la siiyo fursad oo ay si gaar ah iyagu uga sheekeeyaan sidii maalintaa wax u dhaceen iyo wixii qabsaday, intii ka shihiiday iiyo khasaarihii cadowga gaadhay iyagu faahfaahin ka bixiyaan,  in kasta oo raac dhan oo ciidankii weerarka ku soo qaaday ka tirsanaa aanay wax kale qabanayn ee maydadkooda iyo dhaawacooda oo keliya ururuinayeen. Tignikada laga gubay iyo tii gacanta lagaga dhigayna iyaga ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixin lahaa intay soo diyaariyaan. Runtii dadka maqlay uun dagaalka Burco Duuray waxba kama oga micno leh. Hadii xuska munaasibada wax laga bedeli taariikh bay ka baran kari lahaayeen waayo ma jiro dagaal la mid ahaa oo cadowgu ku soo qaaday fadhiisin SNM leedahay oo weliba gudaha Itoobiya (wadada Qaaxo) ah. Dagaalka Burco Duuray wuxu ahaa kii noociisa ugu horeeyay uguna dambeeyay.

Dhinaca kale maaha xuska maalintan in lagu ambabaro marka ay ina soo gasho dabeedna khudbado aan xambaarsanayn taariikhdii dagaalkii Burco Duuray iyo guud ahaan halgankii SNM madal laga jeediyo. Xusaska 17 October inta badan waxa khudbado ka jeediya keliya madax aan iyago goobta joogin ama haday doonaan aan SNMba ahayn  hadii ay ahaayeen lafteed aan wax badan ka ogayn. Fursad marna lama siiyo kuwii iyagu goobta joogay ama xogogaalka u ahaa guud ahaan hawlgaladii Ciidankii Xoraynta SNM ee iyagu badiyaa ku sugnaan jiriray jiidaha hore iyo fadhiisimada colalka iyo talisyadooda

Xiliyo kala duwan ayaan madax kala duwan u soo jeediyay in Wax laga bedelo oo la wayneeyo xuska 17ka October. Markii Dheg jalaq la ii siin waayayna hadhka ayaan uga dhacay. Runtii cidda qabanqaabada magaceeda lagu qaban lahaa waxay ahayd Jimaciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL oo la xoojiyo si ugu yaraan sadex bilood ka hor Guddida Qabanqaabada xusku qorshaynta hawlaha xukska iyo munaasibadda u bilaabi karaan oo ay wax badan u sii diyaarin lahaayeen. Taasina suurogal maaha sida hadda xaalka SOOYAAL yahay oo waa la og yahay haya’d ahaan in aanay dhisnayn.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh xuska 17ka October uma qalanto in la waydeeyo sida ilaa hadda xaalku yahay ee waxa haboon in wax badan laga bedelo sida kolay aniga ay ila tahay hadii kale xusaska noocan ahi wax micno ah oo ay ii samayn karaan ma jirto. Waana sababta aan uga maqnaado ee aanan uga dhex muuqanin waayo dee lama xusayo Dagaalkii Burco Duuray iyo taariikh SNM midna

QALINKII; Muj. Cali gurey

Hargeysa, Somaliland

 

COMMENTS
LINKS