Warbaahinta Dalka Ingiriiska Oo Markii Ugu Horreysay Baahisay Sawirka Wiilka Soomaaliga Ah Ee Loo Xidhay Dilkii Xildhibaan David Amess Iyo Xogaha Kasoo Baxaya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbaahinta Dalka Ingiriiska Oo Markii Ugu Horreysay Baahisay Sawirka Wiilka Soomaaliga Ah Ee Loo Xidhay Dilkii Xildhibaan David Amess Iyo Xogaha Kasoo Baxaya!
October 18, 2021 - Written by Editor:

London(W,N)-Warbaahinta Dalka UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xidhay dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mindi, maagaalada Essex oo qiyaatsii 65 km u jirta magaalada London.

Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu khasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo shan sanno kahor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn.

Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo ayna jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay.

Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa hore waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo

Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xidhiidha taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sanno jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa ayna gaadhin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xidhiidhka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya.

Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo dhakhtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS.

Xarbi Cali Kulane oo markii ugu horreysay ka hadlay xadhiga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yidhi “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.”

“Ma aha waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yidhi wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times.

“Sababo la xidhiidha baadhitaanka hor dhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yidhi Xarbi Cali Kulane

COMMENTS
LINKS