100 Maalmood Ee UHoreeyey Muddo-xileedkooda Waxay Muujiyeen U-heelannaanta Waxqabadka ay ku Talo Jiraan!Faallo: Xuseen Cali Nuur. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
100 Maalmood Ee UHoreeyey Muddo-xileedkooda Waxay Muujiyeen U-heelannaanta Waxqabadka ay ku Talo Jiraan!Faallo: Xuseen Cali Nuur.
October 29, 2021 - Written by Editor:

Dunidu maanta way iska warhaysaa, wax bay kala qaadataa, Balse waxtarka iyo waxyeelada waxa la kala qaataa waxay Hadba ku xidhan yihiin qaabka loogu dhaqmo, loo isticmaalo Iyo dhaqanka ummadda qaatay siday u tixgeliso.

23-ka degmo Doorasho ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay Boqolkii maalmood ee ugu horreeyey muddo-xileedkooda la yimaadeen  hawlo muujinaya midnimada, dedaalkooda iyo u heellannaanta waxqabad ee ay ku talo jiraan.

Waa Ilaahay mahaddii haddii ay boqolkii maalmood ay Jamhuuriyadda Somaliland ay ka dhigeen kuwo ka duwan, kuwa dalkii ku dhaqanka fikradda Boqolka maalmood ee ugu horreeyey curiyey iyo qaabka ay ugu  dhaqmaan.

Boqolka maalmood ee la xisaabtanka waxqabad dalka fikradan lahaa, wuxuu ku kooban yahay Madaxweynaha oo kaliya. Hase ahaatee Maayirrada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland qaabka ay u dhaqmeen waxay muujinayaan in Xildhibaannadu diyaar u yihiin in deegaankii laga soo doortay ay wax u qabtaan.

Kulankii ugu horreeyey ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Maayirrada dalku yeesheen, wuxuu ahaa mid ay isku afgarteen in wada-jir iyo midnimo ay dalka ugu shaqeeyaan.

Maayirradii kulankaas ka hadlay waxay bogaadiyeen qabashadii doorashadii isku sidkanayd iyo qaabka Madaxweynuhu uu dhallinyarada wax ugu qabanayo, una dhiirigelinayo oo mudnaanteeda leh.

Madaxweyne Muuse Biixi dhammaadkii kulankaa waxa uu ereyo dhiirigelin ah iyo hoggo-tusaaleyn ah u jeediyey Maayirrada oo u badan dhallinyaro, hadalkiisiina waxa ka mid ahaa “In isbeddel iyo horumar looga baahan yahay in dhalinyarradu sameyso, maadaama taariikhdu ay ina barayso in aan dal horumarin amaba isbeddel samayn dhallinyaro aanay udub-dhaxaad u ahayn.”

Madaxweynuhu wuxuu Maayirrada xasuusiyey in duruufo adagi ay ku xeeran yihiin, deegaannadoodana ay masuul uga yihiin dawladda dhexe, isla markaana ay Xukuumaddu diyaar u tahay in wixii suurtogal ah oo dhan ay la qaban doonto.

Kulanka labada dhinac, waxa nooga muuqda in Boqolkii maalmood ee Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkani ka duwan yahay Boqolka maalmood ee dalka fikradan la xisaabtanka lahaa. Boqolkeenu wuxuu ku dhisnaa midnimo iyo wax-qabad, ka kalena waxa hadheeya iska hor imaad iyo is curyaamin axsaabtooda siyaasadeed.

Waxaan leeyahay geeddigu wuu dheer yahay, wuu duruufo adag yahay, tallaabadii ugu horreysay baad qaadeen, isbeddel iyo horumar ballaadhan ayaa la idinka filayaa. Sidaas darteed, waa in la iska ilaaliyaa, lagana feejignaadaa cadowga dibadda iyo danaystayaasha.

Waa in aad diiradda saartaan in 1,700 (kun iyo toddoba boqol) oo maalmood in ka badani muddo xileedkiina idin sugayso. Muddadaas oo la filayo in hawlo badan oo qorshaysan aad qabataan. Idiinkama baqayo in aad noqotaan kuwo ku sifooba maahmaahdii ahayd “DARAN-DOORIYAA NAAS-NAASI” Maadaama aad tihiin dhallinyaro u dhaartay inay dalkooda wax u qabtaan. Ku sii wada hawshan xawliga aad boqolka maalmood ee ugu horreysay ku qabateen, Ilaaliyana danaha guud ee dalka.

By;Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
LINKS