WAJAALE NEWS

Xaaladaha Ethiopia, Mustaqbalka+ faraqa Udhexeeya Qaabka Maamulkii TPLF Iyo Kani Abiy Ahmed!

Dalka Ethiopia ayaa waxa uu galay xaalad adag ka dib markii ay ciidamada TPLF qabsadeen labo magaalo oo muhiim u ahaa Ethiopia oo ku yaala gobolka amhara , xili uu dalka Ethiopia iyo xukuumada Abiy Ahmed uu culeys badani ka haystay beesha caalamka gaar ahaan dawladaha maraykanka iyo qaybo ka mid ah Europe oo joojiyey dhaqaale badan oo ay Ethiopia galin jireen iyaga oo ku sababeeyey dhacdooyinkii dagaalkii waqooyiga Ethiopia ka dhacay oo ay ku barokaceen dad ku dhow 2 milyan , sidoo kale ay dhaceen dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo badan.

Ciidamada TPLF ayaa lagu soo waramayaa in ay gaadheen wadada isku xidha Djibouti iyo Addis-ababa oo u ah dalkaasi Ethiopia halbowle dhaqaale , hadii ay rumowdo waxaa ku imanaya xukuumada Abiy Ahmed in uu fuulo culeys weyn oo dhaqaale daro iyo go’doon iyada oo marka hore la tacaalaysay culeysyo dibada dalka kaga imanayey oo badan.

Ethiopia waa dawlad ka mid ah dawladaha aduunka ugu faca weyn oo lahayd saameyn siyaasadeed gobolka iyo qaaradaba , sidoo kale ahayd meel dadka africanka ahi ku dhaataan , sababta oo ah waxa ay ahayd dalalka kooban ee aan Africa la gumeysan , dadka Ethiopia waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin dad aad u aqoon badan marka loo eego Africa inteeda kale arimahani waxa ay diidayeen in dalkaasi si fudud u bur-buri karo .

Laakiin hadda waxa dul hoganaya dalkaasi arimo badan oo wiiqay dawladnimada Ethiopia oo uu ka mid yahay nidaamka federalka ah ee ku dhisan qoomiyadaha oo aad daciifiyey midnimadii iyo wadaniyadii dadka Ethiopia kaasi oo horseedi kara burbur hadii dalkaasi usii kala gurto qoomiyado.

HABKII FEDERALKA EE TPLF IYO QAABKAN ABIY U MAAMULAA MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN ?

Xiligii maamulkii EPRDF waxaa jiray:

1-hab dawladnimo oo ku dhisan axsaab matasha qoomiyado oo ku dhisan nidaamka federalka ah , halka maanta nidaamka Abiy uu ku dhisan yahay federal shaqsiyaad metelaan oo lagu bahoobay PP.

2-Waxa jiray dawlad dhexe oo xoog weyn oo gacan bir ah ku haysay dalka Ethiopia oo dawlad goboleedyaduna hoos yimaadaan iyaga oo aad uga xoriyad yar sida ay maanta yihiin .

3-Waxa Ethiopia go’aankeega ugu dambeeya lahaa TPLF oo ahaa jabhadii ugu waynayd ee mudada dheer u soo halgamaysay maamulka Ethiopia oo lahaa qorshe u yaala iyo yool , halka ay maanta talada Abiy Ahmed tahay gole ka fuul.

MUSTAQBALKA ETHIOPIA MUXUU NOQON DOONAA?

Waa su’aasha ugu badan ee la is weydiinayo in jawaab sax ah loo helaana xiligani ay haboon tahay , haddaba hadii aynu dhuuxno sida maanta wax yihiin kaliya cida maamulka Abiy ka soo horjeeda maaha TPLF oo kaliya ee waxa jira xoogag badan oo badhkoodna ay hubaysan yihiin sida jabhada oromada badhkoodna ay aamusan yihiin oo saluugsan talada Dr Abiy oo khatar ku ah in dalkaasi uu galo dagaalo sokeeye oo aan dhamaad lahayn.

Dagaalku kuma eka TPLF iyo maamulka Abiy Ahmed oo kaliya ee waxaa jira xoogag dibadeed oo dabada ka riixaya labada dhinacba , waxaana hada aad moodaa xagaasi in ay ku lib sareeyaan tplf , halka markii hore uu Abiy maamulkiisu kaashaday dawlado badan si uu uga guuleysto Tigray.

Labadan qodob waxa ay adkaynayaan ama sii fogeynayaan in uu xalka Ethiopia uu soo dhawaado , hadii aan fursad kale iman ama aan xal kale la helin waxaa dhici karta in Ethiopia noqoto gobolo yaryar oo mid waliba gaarkii u taagan yahay oo isku magacaabo dawlad , arinkani oo meesha ka saaraya dawladii waynayd ee Ethiopia.

Si looga baaqsado arimahani waxa la gudboon in labada dhinac ee dagaalamayaa uu midwaliba wax ka tanaasulo oo la sameeyo xabad joojin la iskuna dayo in xal siyaasadeed lagu dhameyn karo in la soo celiyo dawladnimo dadka ethiopianka ahi kuwada niyadsan yihiin oo dalkaasi dib uga soo qaada marxaladaha uu maanta ku jiro.

QALINKII; Hogaamiye Mohamed Abdi Jama(dhimbiil)-

 

 

Exit mobile version