Waddani Sidani Ayuu Wax Ku Doonayaaye, Tolow Kulmiye Maxaa Ka Soo Socda? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waddani Sidani Ayuu Wax Ku Doonayaaye, Tolow Kulmiye Maxaa Ka Soo Socda?
November 16, 2021 - Written by Editor:

“Cirro Iyo Jirde Hadii Ay Xirsi Utanaasuleen Ma Laga Yaabaa In Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Gudoomiyaha Xisbiga Ka Tanaasulaan Ama Labadoodu Isku Tanaasulaan?Maxamed Dhimbiil.

Waxa soo geba-gaboobay Shirweynihii xisbiga waddani oo laba Maalmood magaalada Hargeisa uga socday xisbiga waddani oo Ah xisbiga mucaaridka dalka ugu awooda badan oo waliba Guulo waaweyn ka soo hooyey doorashooyinkii 31-May-2021 Ee wakiilada iyo deegaanka.

Shirkaasi waxa lagu doortay hogaankii xisbiga oo loo badiyey si ( Sal-balaadh siyaasadeed ) ah si dadka codka ugu badan xisbiga Waddani ka doonayaa isaga dhex arkaan , waxaana mudnaanta Koowaad la siiyey gudoomiyaha lagu wareejiyey Bariga Burco Oo doorkan xusbigu ka filayo taageero laxaad leh.

Haddaba marwalba oo xisbi talaabo qaado waxa qasab ah in Xisbiga kale ee loolanka u adagi ka dhexeeyaa isna in uu Talaabooyin qaado maadaama oo la galay kaambayn doorasho Oo xiligiisii ka soo horumaray oo doorashada mudada halka Sano ahi ka hadhay hawsheedu hada sii bilaabantay.

Waxa loo badinayaa in uu sharaxan yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mar labaad , halka kursiga gudoomiyaha uu naawilayo kuxigeenkiisa oo ah Maxamed Kaahin Axmed , hadaba hadii xisbiga waddani ka fekeray si walba oo uu kaga guuleysan karo kulmiye oo uu baneeyey kuraasidii ugu mudnayd kulmiye ma u fekeri doonaan Mustaqbalka xisbiga iyo dhismaha murashaxnimada Madaxweynaha ee marka labaad ?

Haddaba hadii Maxamed Kaahina uu ka go’an yahay in uu Gudoomiyaha xisbiga qaato Madaxwayne Biixina murashaxa Waxa ay u eeg tahay in ay isla degayaan marka aan eegno Ifafaalaha siyaasada Somaliland, waxaa qasab ah in midkood Tanaasulo oo noqon karta in Maxamed Kaahin gudoomiyaha ka tanaasulo oo uu Muuse Biixi ku dhiso iyo in Muuse Biixi murashaxnimada ka tanaasulo oo uu Maxamed kaahin ku dhiso Hadii sidani dhici weydo waxaa ay u eeg tahay in xisbiga kulmiye oo doorashooyinkii deegaanka iyo wakiilada lagaga Adkaaday isla markaana aan isbadel iyo qiimeyn ku sameyn waxii xisbiga hoos u riday in doorashada soo socotana lagaga adkaan doono .

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhowrayaa talaabooyin uu madaxwayne Biixi qaado oo xaga xisbiga ah iyo qaar xaga xukuumadaba ah oo lagaga falceliyo Shirweynihii xisbiga waddani iyo diyaar garawgiisa ololaha doorashada madaxtooyada oo hadda sii bilaabmay.

QALINII; Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS