WAJAALE NEWS

Saaxadda Siyaasaddeena Maxaa ka Maqan?Faallo:-Xuseen Cali Nuur.

Jasiiradda nabadda ee ku taal bad-weyn ay ka jiraan deganaansho la’aan, dagaalo iyo talisyo aan dimuqraaddi ahayn, balse sheegta inay dimuqraaddi yihiin, isla markaana loo diidan yahay aqoonsiga caalamiga ah ee ay xaqa u leedahay waa Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaab-dhaqameedka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, xasiloonida iyo nabadda ka jirta iyo danaheeda sida ay u maamusho waa mid lagu tilmaami karo mucjiso dimuqraadiyadeed. Qof kasta oo u dhashay Somaliland, meel kasta oo uu dunida kaga nool yahay waxa ku waajib ah ILAAHA weyn ee ku mannaystay arrimahaas inuu u mahadnaqo.

Dhaqankan shacbiga Somaliland iyo qaabka dimuqraadiyadda ay ugu dhaqmaan waa xuddunta iyo udub-dhexaadka nabadda iyo midnimada hadafka mustaqbalka ay ka leeyihiin oo xaalad kasta oo jirta uga middaysan yihiin.

Taariikhda laguma hayo shacbi halgan hubaysan u galay xornimadiisa oo markii uu guulaystay, ururkii Hoggaaminayey uu u ogolaado talada in lala wadaago oo aanay ku koobnaan oo qudha Ururkii soo halgamay ee xornimada keenay inta ka sokaysa awoodda Alle.

Dunida waxa caado ah in ururrada gobanimo-doonka ah ee guulaystaa ay gacanta ku dhigaan maamulka iyo hoggaanka dalka, isla markaana aan lala wadaagin. Mararka qaarna waxa dhacda in hoggaamiyeyaashaasi ay noqdaan kali-taliyeyaal.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa kale oo ay dunida dimuqraadiga ah kaga duwan tahay qaab-dhaqameedka iyo barnaamijka axsaabta badan ee ay leedahay.

Dunida horumartay badankooda waxa ka jira laba xisbi oo waaweyn, haddii ay qaar kale jiraana waa kuwo aan muuqan ama aan awoodba lahayn. Labada xisbi ee ka jira caalamka waxay leeyihiin barnaamijyo siyaasadeed iyo dano xisbi iyo taageerayaal ay u adeegayaan. Hase ahaatee badanaa rabitaankooda iyo hadafkoodu waa mid kala fog oo aan marnaba u danaynayn guud ahaan shacbiga.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay kaga duwan tahay in axsaabteeda siyaasadeed aanay ku dhisnayn mabaa’dii ku kooban xisbiga siyaasaddiisa iyo danaha taageereyaasha.

Saddexda xisbi ee ka jira dalku barnaamijkooda siyaasadeed, sida ay shacbiga ugu soo bandhigeen waa mid u adeegaya danaha guud. Inkastoo ay ku kala duwan yihiin qaabka mid kastaaba u marayo.

Waxay ila tahay dimuqraadiyad kastaa dhaliilo ayey leedahay, dhaliisha ugu weyn waa iyadoo aanu xisbina la xisaabtamin siyaasiyiintiisa ama siyaasiyiinta ku soo biira ee ka soo wareega axsaabta kale.

Xisaabtaas oo hadafkeedu yahay ogaanshaha xilalkii hore ay u soo hayeen faa’iidada ama khasaaraha qaranka iyo xisbiyadii ay ka tirsanaayeen ay u qabteen.

Waxaan leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland oo soddon jirsatay, waxay maanta u baahan tahay in ay hesho siyaasiyiin danaha guud ka hormariya danahooda gaarka ah, waana arrin haddii aan soo koobo ka mid ah laba arrimood oo ka maqan saaxadeena siyaasadeed.

By; Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

Exit mobile version