Sidee Ayeynu Dawladnimada Uga Ilaalin Karnaa Dad Dano Gaar Ah Leh Oo Ku Dhex Shaqeysta ( Deep State ). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sidee Ayeynu Dawladnimada Uga Ilaalin Karnaa Dad Dano Gaar Ah Leh Oo Ku Dhex Shaqeysta ( Deep State ).
November 28, 2021 - Written by Editor:

(Marka laga hadlayo afkaaro iyo siyaasad waxa laga yaabaa dad badan oo aad taqaanay in aydaan is garan)

Dunida casriga ah nidaamyadii dawladuhu waxa ay u sii guranayaan xaga danaha dad kooban oo nidaamka dawladnimo ugu shaqeysta sida ay rabaan kuna dhex beerta dad uga shaqeeya masaaliixdooda iyo danahooga.

Waxaa dhici kara kooxahaasi in ay wataan tusaale fekarada xagjirka ah , si hadaba aan loo dareemin waa in ay bulshada nooc walba dhex galaan , siyaasaduna waa yoolkooga koowaad , waxa suuragal ah in ay dawladnimada si dadban ula wareegaan.

Waxaa jira dad leh yool dhaqaale urursi iyo ganacsi oo fursad ka dhex raadinaya nidaamka dawladnimada si ay ugu sahlanaadaan wax badani , shuruucda dalka sida ay rabaan u dhigtaan oo waxii umadu ay wada lahayd looga faaiideysto si gaar ah.

Sidoo kale waxaa jiri kara kooxo dano siyaasadeed oo mustaqbal fog ah leh oo iyaguna cid u sahasha yoolashooda mustaqbalka fog ku sii dhex beerta nidaamka dawladnimo,  waana wax jira oo inta badan dunida casriga ah ee afkaaraha kala tagsani abuurtay oo aan qariib ku aheyn caalamka.

Dawladnimadu waa hab maamul iyo kala dambayn ay umadi sameysato oo leh xeerar iyo shuruuc lagu kala socdo , ujeedada guudna ay tahay in ay ilaaliso masalaxada iyo danaha guud ee dalka iyo dadka , waxii intaasi ka duwan ee loo adeegsadaa waxaa uu noqonayaa nidaam ka dhex dhisan waxii umadu sameysatay ( deep state ) oo leh aragtiyo qorsheysan iyo mabaadii ka duwan kuwa qaranka ( conspiracy theories and ideologies).

Kooxaha noocan ah waxa lagu dhex beeraa xisbiyada siyaasada, shaqaalaha dawlada iyo ciidamada, umadii aan soo jeedin ee aan lahayn foojignaan dheeraada waxaa dhacaysa in dawladnimada ay afduubaan kooxo dano gaar ah leh , ama fulinaya dano dawlado kale watana afkaaro ka gedisan kuwa dadka dalku aaminsan yihiin.

Haddaba marka laga hadlayo afkaaro iyo siyaasad dad badan oo aad nolosha caadiga ah isku taqaaneen ayaa laga yaabaa in aydaan is garanayn , sababta oo ah aqoonta dhabti ahi muuqaalka maaha ee waa qofku waxa uu aaminsan yahay.

Arimahani waxa ay halis ku yihiin ciidamada qaranka ee kala duwan , shaqaalaha iyo dhamaan unugyada bulshada waxaana tusaale wanaagsan inoo ah hadii ay inaga dhex abuurmaan in sida Somalia oo kale dalka cilankiisa la saari waayo , awood iyo xeelad la isaga caabiyo na la waayo.

Madaxda qaranka , aqoonyahanaka, iyo waxgaradka bulshada waxa saaran in ay il gaar ah kula socdaan dawladnimada iyo hawlaheega oo ah dhaxalka qudha ee ay dadka dalku wada leeyihiin in si dhab ah loogu ilaaliyo oo loogu hagaajiyaana waa waajib dastuuri ah oo saaran qofwaliba oo xilkas ah.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS